Xukuumada Somaliland Oo Shaaciyay Tirada Dadka 24sacadood Ee Udanbeeyay Laga Helay Xanuunka Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Shaaciyay Tirada Dadka 24sacadood Ee Udanbeeyay Laga Helay Xanuunka Coronavirus.
May 17, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka ayaa saaka warbixintii maalin laha ahayd ee dadka uu haleelo xanuunka coronavirus laga helay gudaha Somaliland

Sidoo kale Agaasimaha wasaarada caafimaadka ayaa sheegay 16 qof ee maanta laga helay covid19 in hal qof oo kamid ah uu kasoo jeedo dalka itoobiya.

Halkan ka akhri shaxda COVID-19 Somaliland iyo 24 saacadood ee ugu danbeeyay .

Lix iyo tobanka qof (16) ee laga helay 15 qof waa Somalilander, halka 1 qof yahay Ethiopian.

8 qof waa rag, 8 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(20jir ilaa 30jir = 7 qof)

(30jir ilaa 40jir = 1 qof)

(40jir ilaa 50jir = 1 qof)

(50jir ilaa 60jir = 5 qof)

(60jir ilaa 70jir = 1 qof)

(80jir ilaa 90jir = 1 qof)

Bukaanadan dhamaan waxa ay joogaan Gobolka Maroodi Jeex – Hargeysa.

Tirada la baadhay waa 40 qof .

Dhimasho majirto maanta .

 

COMMENTS
LINKS