Xogo Dheeraada Ah Oo Ku Saabsan Weerar Nin Shaqaale Ka Ahaa Dugsiga H/Dhexe Ee Nuraadin Uu Maasajid Dhexdii Dhaawac Ugu Gaystay Maamulaha Guud Xaaji Mahad Ibrahim! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada Ah Oo Ku Saabsan Weerar Nin Shaqaale Ka Ahaa Dugsiga H/Dhexe Ee Nuraadin Uu Maasajid Dhexdii Dhaawac Ugu Gaystay Maamulaha Guud Xaaji Mahad Ibrahim!
May 25, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dhawaan Ayay Ahayd Markii wakhtiga Udhaxeeya Saaladii makhrib iyo Tii Cishaa’i masaajid ku yaala xaafada boqol iyo kontonka ee magaalada hargaysa uu nin Katirsanaa shaqaale hoosaadka Dugsiga H/Dhexe Nuuradiin ee xaafada sheikh Madar uu Maamula guud ee dugsiyada Nuuraadin ku dhex weeraray masaajid uu wakhtigaa ku suganaa kaasi oo dhaawacyo culus kasoo gaadhsiiyay madaxa wallow xaalada caafimaad ee maamulka dusgiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad ay hada fiican tahay,

Hadaba Ninkan shaqaalaha ka ahaa dugsiga hoose ee Nuuradiin oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed ayaa  sida uu ku waramay qof goob jooge ahi  masaajidka ugu dhex yimid maamule mahad isagoo doonayay in uu kala hadlo maamulaha Dugsiga H/Dhexe Nuuraadiin ee xaafada sheikh Madar oo ay is khilaafeen.

Ugu Horayn ninka Maamulka dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad Dhaawaca Ugaystay xogtiisa iyo waxa ay isku maandhaafeen maamulaha nuuraadiin ee qaybta sheikh madar iyo wixii dhexmaray ninkan macalinka ah wax ka ogow;

Sida ay ku warameen maamulka qaybta uu katirsaa ayaa yidhi “Ninkani Walaalayaal waxa uu ka mid shaqaale hoosaadka (xaadiriye) Dugsiga Primary-ga Sh, Madar Waxa uu shaqada ka tagay markii loo fasaxay ardayda xanuunkan Corono Virus isaga oo aan wax ogaysiis ah soo gudbin, fasax na aan qaadan, markii uu maamulaha Qaybta Sh. Madar la xidhiidhay waxa uu u sheegay in uu iska shaqo tagay, wuxuu ku maqnaa shaqada mudo bil ah, maamulaha ayuu u yimid, maamuluhu waxa uu waydiiyay shaqada waxa uu uga maqnaa, waxa uu u sheegay inuu hawl kale ka shaqaynayay, Maamuluhu wuxuu ugu jawaabay hadaba shaqadaa aad ku maqnayd sii waddo anagu shaqqo kuuma hayno. Wuxuu ugu jawaabay ma adigaa shaqada iga eryi kara nin ayaa iskuulka iska leh. Halkaas ayay isku khilaafeen maamulaha qaybta iyo hawl wadeenkani.

Sheekadaasi waxay dhex martay Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Madar Mr. Fuaad iyo ninka dhaawaca geystay.

Maxaa  Dhexmaray Ninkan shaqaale hoosaadka ahaa Dugsiga Nuuradiin qaybtiisa sheikh madar Iyo maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuraadiin Markii UU Masaajidka Ugu Yimid;

Kadib markii ay isa soo khilaafeen maamulaha nuuradiin qaybta sheikh madax ee uu ka shaqayn jiray waxa uu ugu tagay Masaajidka Haji Mahad oo Wakhtigaas Quran ku akhrisanaya Masaajidka dhexdiisa, waxa uu ku yidhi Shaqadii ayaa layga joojiyay ee ii ergeeh, Wuxuu maamuluhu ugu jawaabay waan digriyayayaa oo masjid ayaan fadhiyaa ee wakhti kale inooga dhig. kadib waxa uu ugu jawaabay iska digri, waa uu kacay ninkii, xaajigina quraankiisii ayuu sii watay kadib intuu soo qaatay rixliga (birta adag ee Qur’aanka lagu akhristo) ayuu isaga oo sii jeeda oo aan arkayn madaxa kala eegtay maamulaha laba jeer oo daran doori ah, halkaasuu dhaawac culus oo madaxa ah kusoo gaadhsiiyay maamulaha Dugsiyada Noradin Xaji Mahad Ibraahim.

Maxaa dhacay kadib markii dhaawaca uu ugaystay Xaaji Mahad Masaajidka dhexdiisa?

Markii uu dhaawaca geystay ninkani  ayuu isku dayay in uu baxsado, kadib orodkii ayaa waxa uu ka dhacay kaabada masaajidka, halkaasi oo dhaawac kasoo gaadhay gacanta iyo lug waasida uu isaguna ku qoray OB-ga saldhiga uu ku xidhan yahay. Wax laf ah oo uu ka jaban yahay majirto.

Dhanka kale xogahan ayaa beeniyay in ninkani uu soo gaadhay dhaawac jabniin ah kaasi oo dadka qaar ku baahiyeen baraha bulshada iyo warbaahinta online-ka ah qaarkood in uu jaban yahay.

Maamulka qaybta Nuuradiin ee uu ka shaqayn jiray Cabdiraxmaan oo ah ninka dhaawac ugaystay Maamulaha guud ee Nuuradiin ayaa beeniyay in ninkani uu dugsiga ku lahaa mushahar Afar bilood ah taasi oo ay sheegeen in ay waxba kama jiraan tahay,

Ninkan dhaawac ugaystay maamulihii guud ee nuuradiin ayaa  wali ku xidhan saldhiga daloodho ee magaalada hargaysa kaasi oo wali wax war ah oo faah faahsan iyo ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysay weerarka uu ku qaaday maamulaha guud ee dugsiyada Nuuraadiin aanay kasoo saarin Ciidamada booliska oo gacanta ku haya Kiiskiisa ;

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

 

 

COMMENTS
LINKS