|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaanu Qabnaa Inaanu Dalkayaga Soomaaliya Dhammaystirnayn Inta Ay Maqan yihiin Walaalahayo Reer Somaliland”Xasan Cali Khayre.
May 13, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inaanay Soomaaliya dhammaystirnayn inta ay maqanyihiin shacabka reer Somaliland. Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad u jeediyay beesha caalamka 28 April, ayaa khudbadaas oo uu Geeska Afrika helay, wuxuu ku sheegay inay doonayaan inay dib u soo celiyaan midnimadii Soomaaliya ee xorriyada qaadatay sannadkii 1960. “Gundhiga doodu, waa doodda dib u midaynta dalkayaga. Waxaanu rumaysanahay in dalkayagu aanu dhammaystirnayn iyadoo ay maqanyihiin walaalkahayaga reer Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Xasan Cali Khayre oo intaas raaciyay “Waxaanu rabnaa inaanu dib u dhisno Soomaaliyadii aanu xorriyada ku qaadanay.” Ayuu yidhi Xasan Cali Khayre. Hadalkan ayuu Xasan Cali Khayre kula hadlayay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka amni iyo dhismaha kaabayaasha dawladda uu madaxda ka yahay.
Related posts:Kulan Xasaasi Ah Oo Dhex-Maray Salaadiinta Beelaha Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Document for the process of political dialogue between the Government of Somaliland and the Federal ... Daawo:Xukuumada S/land Oo Ku Dhawaaqday Xayiraad Cirka,Dhulka Iyo Bada ah Oo Lagu soo Rogay Dadka Aj... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|