Wasaaradda Horumarinta Biyaha Oo La Wareegtay Ceel Laga Hirgaliyey Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Horumarinta Biyaha Oo La Wareegtay Ceel Laga Hirgaliyey Gobolka Awdal.
May 15, 2020 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha Smaliland Axmed Cabdi Ismaaciil ayaa kala wareegay Hay’adda WHH ceel biyood ay ka hirgelisay Carocad ee ka tirsan degmada Qol ujeed ee gobolka Awdal.

Ceelkan oo la filaayo in uu wax weyn ka taro baahida biyood ee ka jirta degaanka Carocad iyo degaanadda hoos yimaada,waxaana munaasibadan ay wasaaraddu ceel biyoodkan kula wareegaysay goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta biyaha Somaliland, Isu duwaha wasaaradas ee gobolka Awdal ,Guddoomiyaha degmada Qol-ujeed iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda ceelkan hirgelisay ee WHH.

Madaxa Hay’adda WHH ee gobolka Awdal Cabdiqaadir Cumar Bede oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyey ceel biyoodkan ,waxaanu tilmaamay  in ay wareejiyeen Ceel ay goobtaas ka hirgeliyeen, Solar-ta dabka dhalisa oo ceelka loogu talo galay iyo Kaydkii biyaha , waxaanu tilmaamay in ay ceelkan lacagtiisa laga bixiyey wadanka Jarmalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Qol-ujeed Maxamed Hoddoon Cusmaan oo isna goobtaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey Hay’adda WHH, waxaanu sheegay in ay dad badani ka faa’iidaysan doonaan ceel biyoodkan.

Dadka degaanka oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in ay ku faraxsan  yihiin hirgelinta ceelkan, waxaanay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen , isla markaana ay soo dhoweynayaan, waxaanay uga mahadceliyeen hirgelinta ceelkan Hay’adda WHH.

Isu duwaha wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Dhimbiil oo ka dareen celiyey ceelkaas ay kala wareegeen Hay’adda WHH ayaa uga mahadceliyey Hay’addan hirgelinta ceelkan.

Ugu dambayna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md Axmed Cabdi Ismaaciil  oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey Hay’adda WHH , isaga oo sidoo kalena ku booriyey dadka degaankaasi in ay ka faa’iidaystaan ceel biyoodkan cusub, isla markaana ay ilaashadaan.

COMMENTS
LINKS