Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Asluubta Jsl Gen Fooxle Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Asluubta Jsl Gen Fooxle Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
May 24, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Alle Qabriga Haw nuure waxa Caawa  goordhaweyd Cisbitaalka Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliye kuxigeenkii Ciidanka Asluubta Marxuum General Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle kadib markii  xanuun kusoo booday Oo loo dhigay cisbitaal guud ee hargaysa ugeeriyooday.

Sida uu taliyaha ciidanka asluubta Somaliland uxaqiijiyay wariye faysal fiifa oo khadka telfanka kula xidhiidhay wuxun yidhi,

Waxaa geerida ii xaqiijiyay Generaal Axmed Cawaale Yuusuf Libaax taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland oo aan hadda khadka taleefanka kuheley .

” Haa Faysal wuu geeriyooday taliyuhu , si caadiyaa ayuu u geeriyooday , oo galabtaba shaqada ayaan ku wada jirnay ” Generaal Libaax .

Marxuum General Fooxle ayaa kahor intii aan madaxweyne Biixi u magacaabin xilkan waxaa uu sanado badan ahaa taliye xigeenkii ciidanka booliska Somaliland , isagoo lagu xasuusto inuu dhismaha ciidanka qeyb weyn ka qaatay maandaamo oo uu kamid ahaa saraakiisha aqoonta durugsan u lahaa hawlaha ciidamada .

WIXII WAR AH EE KASOO KORDHA GEERIDA TALIYE KUXIGEENKII CIIDANKA ASLUUBTA JSL GEN MARXUUM FOOXLE KALA SOCO WARARKEENA DANBE

INAA LILAAHI WAA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

 

 

COMMENTS
LINKS