“Somaliland Waxad Moodaa In Aan Si Dhab Ah Ilaa Hadda Loo Waajihin, Ka Hortagga COVID-19”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Waxad Moodaa In Aan Si Dhab Ah Ilaa Hadda Loo Waajihin, Ka Hortagga COVID-19”Siyaasi Cali Guray.
May 24, 2020 - Written by Editor:

“Baahida Ugu Yar Ee Maalinlaha Ee Deg Degga Ah Cidda Loogu Hagaagi Karo Waa Madaxwaynaha Oo Isagu Keligii Saxeexa Lacagta Ka Baxaysa Xisaabta Loo Furay Ka Hortagga COVID-19 Iska leh”Cali Guray.

Somaliland: Ka Hortagga COVID-19

Somaliland Waxad Moodaa in aan si dhab ah ilaa hadda loo Wajihin Ka Hortagga COVID-19. Marka laga tago fariinta Caafimaadka ee dadwaynaha loogu gudbiyo telefoonada Gacanta oo runtii muhiim ah “WAA FARIIN CAAFIMAAD OO KU SAABSAN CUDURKA CORONAVIRUS …… “ waxad moodaa in Arimihii kale ee muhiimka ahaa gaar ahaan xukuumadda Dhinaceeda ay wax badani ka qaldan yihiin gaar ahaan adeega Caafimaadka oo ragaadsan. Marka ay tahay ka hortagga Cudurkan waxa ugu muhiimsan shaqaalaha caafimaadka gaar Ahaan kuwa loo yaqaan safka hore (frontline) ee iyagu Nafahooda u bandhigaya khatarka cudurkan.

Waddamada hore U maray sida UK iyo USA oo dadaal badan sameeyay dhinaca Xoojinta iyo daryeelka shaqaalahooda caafimaadka ee safka Hore ayaynu ognahay inta dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad u dhintay cudurkan iyagoo la tacaalayay dad kooxdii uu haleelay cudurkan COVID-19. Shaqaalaha safka hore ee dagaalka cudurkan waxa ugu qaalisan inanta neerasta ah ee goor kasta duljoogta bukaanka ( bukaan socod iyo bukaan jiifba) oo la’aanteed aanay xataa dhakhaatiirtu wax shaqo ah qaban karin. Bal ka waran mushaharka ay qaadato oo aynu ognahay in aanu dabooli karin xataa baahiyaheeda assaasiga ah. Dhakhaatiirta laftooda inta sadka hore laftooda ayaan xaalkooda cid ogi jirin sida muuqata. Ahaqaalaha kalena daaba hadalkooda. Waxa ka daran qaab-dhiskii maamulka ee ka hortagga oo aan ilaa iyo loo dhaqaaqin taasoo ku keentay shaqaalihii caafimaadka haday dhakhaatiir yihiin iyo haday kalkaaliyayaal yihiinba jahowareer aanay si cidba u garan karin meel ay wax kaga hagaagaan taas oo laga arki karo niyadjabka ka muuqda dhakhaatiirta iyo guud ahaan shaqaalaha safka hore ee ka hortagga Covid-19 ee aanay jirin wax ay iyagu gacanta ku hayaan baagiyahoodana xataa cid u hagar la’ oo ay ugu hagaagi karaan ama xataa kala hadli karaan aan arkaynin. Ta kale ilaa iyo hadda agab badan oo lagu talogalay ka hortagga ay dalka soo gadhay oo aan sidii haboonayd looga faaiidaysan. Lacago badan oo loogu yaboohay in loo isticmaalo dagaalka cudurkan ayaa jira hadii aan dadkii safka hore kaga jirayba iska daa in baahiyahooda lagala tashado eh aan wax looga qoondeeyay oo ay ku talogeli karaan jirin arinku dagaalka ka hortagga Xovid-19 saw ma aha mana ahaan doono ha fadhido. Baahida ugu yar ee maalinlaha ee deg degga ah cidda loogu hagaagi karo waa Madaxwaynaha oo isagu keligii saxeexa lacagta ka baxaysa xisaabta loo furay ka hortagga COVID-19 iska leh.

Hadaba si qaladaadka jira loo saxo ka fursan mayso in dhakhaatiirta dalka jooga ay isugu yimaadaan shir ay iyagu si gaar ah ugu lafoguraan dagaalka ka hortagga cudurkan iyadoo ay WHC ay daadihinayso kana warbixinayso xaaladda runta ah dhinaca kasta si ugu dambaysta ay u soo saaraan qorshe hawleed dhamaystiran oo wata baahiyaha jira iyo xataa ku talogal miisaniyadeed oo muddaysan, iyadoo ahmid gaar ah la siinayo daryeelka shaqaalaha caafimaadka ee safka hore si loo daboolo baahiyahooda taas oo niyad ahaa dhiirigelin u noqon karta. Shaqaale werwersan oo jihowareersani waxba kama tari karaan ka hortagga Covid-19 waayo toodii ayaaba cuslaysay oo ay u taag la’yihiin.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
LINKS