|
|||||
WAJAALE NEWS
“Somaliland Dawladnimo Ka Foq, Qaranimona Daa Hadalkeed. Inta Hawlo Ka Qabyo Ah Daaye Ku Mashquulsan Tahay Hebel Baa Halkaa Ka Heesay”Cali Guray
May 11, 2020 - Written by Editor:WAAR ANAGAA YAAB ARAGNAY Qaran siqiiray iyo caadadii uun iga dheh. Sheekada fanaankan anigu lama socon balse waxay xukuumaddu dembi uga dhigtay sida la sheegay Xamar baad ka heestay hadana Hargaysa ayaad ka heestay. Horta fanka iyo suugaantu sideedaba malaha xuduud. Fanaanka soomaaliyeed iyo xataa kuwo aan Somaliba ahayn ayaa ka heesi kara Somaliland, Somalia, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya iyo weliba meel kasta uu tago, dembina maaha sharci uu ku xadgudbay oo odhanaya hadii aad Muqdisho ka heestay Hargeysa kama heesi kartid ma jiro. Hadii uu jiri lahaa qodobka xeerka ciqaabta ayaa lagu qaadi lahaa. Waxa yaab leh cuqdadan Somaliland u gaarka ah ee soomaali oo dhan ay kaga duwan tahay. Somaliland yaan odhanin ee Isaaq baa sax ah in aan idhaahdo waayo reeraha soomaaliyeed ee kale oo dhan kuma jirto cuqdadda Isaaqa mucaqadiinta ah ku jirtaa. Kuwaasi waa kuwa soomaali ka dhigay Isaaq oo keligii ah iyo iyo soomaalida kale oo kala wadamo ah oo meel ah. Waxa ka mid ah kuwa reer Somaliland ee aan Isaaqa ahayn oo aan wax cuqdada ah ka qabin soomaalinimada. Waxa yaab leh Isaaq naciisa iyo cuqdadiisa ha iska qabo eh marka ay dawladnimo inta lihi ay wada leeyihiin ay sharci uga dhigaan nacaybkooda iyo jacaylkooda. Sidaasi miyay dawladnimo iyo qaranimo midna shaqo ku leedahay? Wallee sidan hadii aan wax laga bedelin oo aan caqligu shaqayn runtana loo noqon bal aan eegno caadifiyadda yar ee Isaaqu halka ay Somaliland dhigto. Waxan doonaa waa sharci xataa hadii uu sharci darro yahay, waxaan diidaana waa sharci darro xataa haddii uu sharci yahay waa xukumul qarqoosho ee maaha sharci dawlad qaynuun oo sharcigu sareeyo loona wada siman yahay. Inta xaalku sidan yahay Somaliland dawladnimo ka foq qaranimona daa hadalkeed. Inta hawlo ka qabyo ah daaya ku mashquulsanaato hebel baa halkaa ka heesay halkanna wuu ka heesay. Muxuu uga heesay, yaa yidhi ka hees ha la soo xidho hadana ha la sii daayo. Waar anagaa yaab aragnay. SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY” Related posts:Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhaam Biyood Laga Hirgaliyay deegaanka M... Xildhibaan Gaane oo Xukuumadii Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Dalka Gaadhsiisay Dhaawac Hagar-Daamo Ah DAAWO;-Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl Oo Ka Hadlay Faa,Iidada Ay Ciidanku ka Dhaxleen Carbiska Shaqo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|