Sheekh Shariif Oo Si Kulul Ucanbaareeyey Diyaaradii African Airways Ee Lagu Soo Riday Degmada Bardaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Shariif Oo Si Kulul Ucanbaareeyey Diyaaradii African Airways Ee Lagu Soo Riday Degmada Bardaale.
May 5, 2020 - Written by Editor:

Muqdisho (W,N);-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay diyaaradii kusoo dhacday duleedka degmada Bardaale, oo la sheegay inay soo rideen ciidamada Itoobiya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in falka lagu soo riday diyaaradaas ee gantaalka loo adeegsaday uu yahay mid khatar ku ah hawada Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in arintan ay xad gudub ku tahay xeerka caalamiga ah ee diyaaradaha rayidka iyo gurmadka bani’aadanimo ee ka socda Soomaaliya.

“Waa dhacdo halis iyo khatar ku ah hawada dalkeenna, taasoo aan u aragno mid xadgudub ku ah xeerka diyaaradaha rayidka iyo gurmadka dagdaga ah. waxaan canbaareeynayaa falkaas fooshaxun, Waxaa gantaal lala beegsaday diyaarad rayid ah oo daawo mucaawino Covid-19 kaalma u ah u siday magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray ehellada lixdii qof ee ku geeriyootay shilkaas diyaaradeed.

“Waxaa gabi ahaanba ku dhintay shilkaas dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo 6 qof kakoobna. Waxaan tacsi u dirayaa eheladii dadkii shilkaas lagu dilay, waxaan soo jeedinayaa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo, xaqiiqada soo baxdana shacabka lala wadaago” ayuu yiri.

Dhanka kale Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta gaadhay goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa halkaas u gaadhay sidii baadhitaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxa baadhitaankaasi oo sida muuqata ay iska kaashanayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

WAJAALENEWS DESK

 

 

COMMENTS
LINKS