|
|||||
WAJAALE NEWS
Sannad Guuradii 18-aad Ee Geeridii Aabihii Jsl Halyeygii,Marxuum Cigaal,Waa In loo Aqoonsado Maalin Qaran, Library & Museumna Loo Dhiso.
May 3, 2020 - Written by Editor:Marka Hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirt a ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha badan, asalaamu calaykum waraxmatu laaahi waba rakaatu. Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana , cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda urteeda iyo dulmigana ka fogaada. Aan u daa dago dulucuda qoraalka iyo halkay ay muhatay laabtaydu.Rabbi naxariistii Janno Fardaw sa ha ka waraabiye,marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisuna sharaf , qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo dhammaan mandaqadda Gees ka Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.Marxuum Cigaal ,wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland ,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 1960 kii. 1993 kii ,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , mar labaad Madaxweyne ka noqday Soma liland ,waqtigaas oo Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatan a ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed , amnni darro , kala danbayn la’aan ,geyigana dhammantii ay ka muuqato bur burkii,xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato,oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta u hoorsan, ayuu ku guuleystay inuu shacabka boggoodii burcad isku mariyo, walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo,seeskana u qotamiyo. Abtigay Cigaal, Geesi inaga baxoo , Guul dhashuu ahaa, iga dheh. Maanta oo bishu tahay 3 May, 2020, ahna sannad guuradii 18-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaan soo jeedinayaa in loo aqoonsado maalin Qaran,Library & Museumna loo dhiso. Inkastoo aan taariikhdiisa dahabigaa, dhaxalkii uu innoga tagay, waxtarkii sii iyo wax qabadkiisii midnaba aan tawaad, qalin , buug iyo website toona , lagu soo koobi karin ,bal aan dhowr shay soo dul xaadiyo:
3 May,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pret oriy a ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, gudcur dam yidhi ,murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dhammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay ad ag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu ahaa dareenka Somalilandersku meel ay m aalintaas joogeenbba,bal waxaan isku dayi doonaa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey Cali Adan Cawaale , waxaanu yidhi : Sayed baad ahayd Mohamedow Mawle soo diraye Siraad iyo aqoon baad ahayd saaqay dunidiiye Somaliland baad jeclayd inay sarraysaaye Teer iyo sitiinkii adaa taajka noo sidaye Hanadkii sexeexaad ahayd saariddii karale Sama wadde haddii anad ahayn lama sod caasheene Xamar kuma sinteen dawladnimo xaasil oo sugane Somali baa kugu mudnayd inay sinnaataaye Saddexdii maqnaa baad lahayd sawtka gaadhsiiye Sir ma qabe waddaniyaad ahayd sajac heer Qarane Sidaa ugu listeen uma hambayn madaxdii reer Suud’e Iyagaa waxaad sahamiseen suuqyada u galaye Sunuut bay ku iibsheen waaxaad sahadinaeysaeene Kala saare labadii shalay laysu soo daraye waatay salaad hore galeen suuqyadii herere Saf ballaadhan waatay rasaas shicib ku seexsheene Taangiga siqaa wuxu dul maray sabi carruureede Silicii dadkaagaa la baday saani loo aragye Sankaa ii mudnaa inan dagaal kaga sifeeyaaye Waatii sutida loo qabteen sugay xalaashiiye Sandulley ahayd inan ka koro Xamar dul saarkeede Inkastooy saraakiil halgemay sahayatoon waayey Soo noqotay Maandeeq markale geesiyaa sugaye Halkii aan sinnaan iyo wadaag samo ka dhawraayey Ayadoon saldhigin bay haddana sudhatay reer reere Solladaa markay naga gashee laysu socon waayey Waatay simaamkii mar kale kuu sidkeen adiye Waxad saawa saawiyo farsamo dhaban salaaxdaaba Waataad sargooyada habboon saaftay nabarkiiye kuma seegin tii loo ballamay sigib tirkeediiye Salka wadigaa maamul qaran seeska noo dhigaye Nabad bay ku seexdaan dhammaan saaka shicibkiiye Saxan saxo udgoon baad mar kale siisay Reer Lande Sama wade cuddoon baa halkaa sax uga maarayne Sooyaalka taariikhdu wuu sugay halkaagiiye Somali baad guud ahaan ugu sarreysaaye Suugaanta kuma koobi karo sumada haagiiye Sool iyo Hargeysiyo Togdheer Booramiyo Saylac Sanaag iyo Addis iyo Jijiga baddhabiyo saaxil waxa saaka laga ooyayaa tan iyo Sayloone Nina saacaddii kama fakado seeftu guud timide Sama wade Halyeyow jannadda saani ugu dheelmo waxan kugu sagootiyey duciyo safar nabaaddiino Safka nabiga Ebbuhu ku mari surinka loo raaco Qabrigana siraad nuurayiyo waasac kugu seexi Seeraha Fardowsana Alluhu daar ha kaa siiyo Malaa’iigtu soortii Jannada sooryo kugu boobe Salaama Alla dee Mohamedow samirku waa doore Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga tagaa , in taariikhda ma guurtada ah lagu xardhi doono,magaciisuna aanu abid dhimanayn , lana xasuusan doono , loona duceyn doono mar walbba. Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,lagu maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu i nooga tagay, ahna ta maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna naaloonayso,kuna dabaal degayso sannad walba.Maanta oo bishu tahay 3 May , 2020, ahna sannad guuradii 18-aad , ee maalintii uu geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran , Library & Museum na loo dhiso. Waxaan ku soo af meerayaa qoraalkaygan kooban, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa inaad marxuumka,Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, danbi dhaaf u fidiso , qabriga u nuurto , iilka u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruuro , janno Fardawsana ku abaal mariso, amiin , amiin, Aamiin ….. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan) Senior Certified Network Specialist
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|