Sannad Guuradii 18-aad Ee Geeridii Aabihii Jsl Halyeygii,Marxuum Cigaal,Waa In loo Aqoonsado Maalin Qaran, Library & Museumna Loo Dhiso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sannad Guuradii 18-aad Ee Geeridii Aabihii Jsl Halyeygii,Marxuum Cigaal,Waa In loo Aqoonsado Maalin Qaran, Library & Museumna Loo Dhiso.
May 3, 2020 - Written by Editor:

Marka Hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirt a ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha badan, asalaamu calaykum waraxmatu laaahi waba rakaatu. Waxaan  Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana , cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda urteeda iyo dulmigana ka fogaada.

Aan u daa dago dulucuda qoraalka iyo halkay ay muhatay laabtaydu.Rabbi naxariistii Janno Fardaw sa ha ka waraabiye,marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisuna sharaf , qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo dhammaan mandaqadda Gees ka Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.Marxuum Cigaal ,wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland ,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 1960 kii.

1993 kii ,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal , mar labaad Madaxweyne ka noqday Soma liland ,waqtigaas oo  Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatan a ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed , amnni darro , kala danbayn la’aan ,geyigana dhammantii ay ka muuqato bur burkii,xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato,oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta u hoorsan, ayuu ku guuleystay inuu shacabka boggoodii burcad isku mariyo, walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo,seeskana u qotamiyo.  Abtigay Cigaal, Geesi inaga baxoo , Guul dhashuu ahaa, iga dheh.

Maanta oo bishu tahay 3 May, 2020, ahna sannad guuradii 18-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaan soo jeedinayaa in loo aqoonsado maalin Qaran,Library & Museumna loo dhiso. Inkastoo aan taariikhdiisa dahabigaa, dhaxalkii uu innoga tagay, waxtarkii sii iyo wax qabadkiisii midnaba aan tawaad, qalin , buug iyo website  toona , lagu soo koobi karin ,bal aan dhowr shay soo dul xaadiyo:

  • Sameyntii Dastuurka Somaliland
  • Sameyntii Calanka
  • Sameyntii ciidanka Qaranka
  • Hub ka dhigistii Beelaha
  • Nabadayntii Beelaha
  • Dib u dhiskii Dalka
  • Sameyntii lacagta Somaliland
  • Sameyntii Baasboorka Somaliland
  • Sameyntii hannaanka Dawladnimo
  • iyo kuwo kale oo badan

3 May,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada  Pret oriy a ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, gudcur dam yidhi ,murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dhammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay ad ag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu ahaa  dareenka Somalilandersku meel ay  m aalintaas joogeenbba,bal waxaan isku dayi doonaa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey  Cali Adan Cawaale , waxaanu yidhi :

Sayed baad ahayd Mohamedow Mawle soo diraye

Siraad iyo aqoon baad ahayd saaqay dunidiiye

Somaliland baad jeclayd inay sarraysaaye

Teer iyo sitiinkii adaa taajka noo sidaye

Hanadkii sexeexaad ahayd saariddii karale

Sama wadde haddii anad ahayn lama sod caasheene

Xamar kuma sinteen dawladnimo xaasil oo sugane

Somali baa kugu mudnayd inay sinnaataaye

Saddexdii maqnaa baad lahayd sawtka gaadhsiiye

Sir ma qabe waddaniyaad ahayd sajac heer Qarane

Sidaa ugu listeen uma hambayn madaxdii reer Suud’e

Iyagaa waxaad sahamiseen suuqyada u galaye

Sunuut bay ku iibsheen waaxaad sahadinaeysaeene

Kala saare labadii shalay laysu soo daraye

waatay salaad hore galeen suuqyadii herere

Saf ballaadhan waatay rasaas shicib ku seexsheene

Taangiga siqaa wuxu dul maray sabi carruureede

Silicii dadkaagaa la baday saani loo aragye

Sankaa ii mudnaa inan dagaal kaga sifeeyaaye

Waatii sutida loo qabteen sugay xalaashiiye

Sandulley ahayd inan ka koro Xamar dul saarkeede

Inkastooy saraakiil halgemay sahayatoon waayey

Soo noqotay Maandeeq markale geesiyaa sugaye

Halkii aan sinnaan iyo wadaag samo ka dhawraayey

Ayadoon saldhigin bay haddana sudhatay reer reere

Solladaa markay naga gashee laysu socon waayey

Waatay simaamkii mar kale kuu sidkeen adiye

Waxad saawa saawiyo farsamo dhaban salaaxdaaba

Waataad sargooyada habboon saaftay nabarkiiye

kuma seegin tii loo ballamay sigib tirkeediiye

Salka wadigaa maamul qaran seeska noo dhigaye

Nabad bay ku seexdaan dhammaan saaka shicibkiiye

Saxan saxo udgoon baad mar kale siisay Reer Lande

Sama wade cuddoon baa halkaa sax uga maarayne

Sooyaalka taariikhdu wuu sugay halkaagiiye

Somali baad guud ahaan ugu sarreysaaye

Suugaanta kuma koobi karo sumada haagiiye

Sool iyo Hargeysiyo Togdheer Booramiyo Saylac

Sanaag iyo Addis iyo Jijiga baddhabiyo saaxil

waxa saaka laga ooyayaa tan iyo Sayloone

Nina saacaddii kama fakado seeftu guud timide

Sama wade Halyeyow jannadda saani ugu dheelmo

waxan kugu sagootiyey duciyo safar nabaaddiino

Safka nabiga Ebbuhu ku mari surinka loo raaco

Qabrigana siraad nuurayiyo waasac kugu seexi

Seeraha Fardowsana Alluhu daar ha kaa siiyo

Malaa’iigtu soortii Jannada sooryo kugu boobe

Salaama Alla dee Mohamedow samirku waa doore

Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga tagaa , in taariikhda ma guurtada ah lagu xardhi doono,magaciisuna aanu abid dhimanayn , lana xasuusan doono , loona duceyn doono mar walbba.

Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,lagu maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu i nooga tagay, ahna ta  maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna naaloonayso,kuna dabaal degayso sannad walba.Maanta oo bishu tahay 3 May , 2020, ahna sannad guuradii 18-aad , ee maalintii uu geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran , Library & Museum na loo dhiso.

Waxaan ku soo af meerayaa qoraalkaygan kooban, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa inaad marxuumka,Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, danbi dhaaf u fidiso , qabriga u nuurto , iilka u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruuro , janno Fardawsana ku abaal mariso, amiin , amiin,

Aamiin     …..     إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ‎

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)

Senior Certified Network Specialist

 

COMMENTS
LINKS