Qaadka Iyo Koroona fayrasku Waa Inaynu Is Racino, Oo Labadaba Illahay Ka Barino Inay Sidaa Inagu Dhaafan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaadka Iyo Koroona fayrasku Waa Inaynu Is Racino, Oo Labadaba Illahay Ka Barino Inay Sidaa Inagu Dhaafan!
May 3, 2020 - Written by Editor:

RAMADAN KARIIN.

Inkasta oo si ku meel gadha QAADKA loo joojiyay, hadana waxaanan Illahay ka baryayaa in MAANDOORIYAHA QAADKA IYO CUDURKA DILAGA EE KAROONA FARAYSKU AY IS RACAAN.

QAADKU WAA CANCER-KA Bulshada, wuxuu burburiya Qoyska oo ah asaaska Bulshada. QAADKU waa cudur aad lacag sii sanaysid. QAADKU qofka cuna cafimadkiisa ayuu wax yeela, JEEBKIISA wuu faaruqiya. Qoyska qofka cunana wuu burburiyaa, oo aabihii lacagta caruurta iyo reerkiisa uu siin lahaa ayuu QAAD ku cunaa.

Dalal badan oo calamka ah ayaa dalalkooda ka mamnuucay QAADKA. Sababta ugu wayn ay uga mamnuuceena waxay tahay in ay arkeen inuu QAADKU Maskaxda dadka cuna wax yeelo. Mastacmaradii Ingiriiska ee dalka xukumi jirtay gadhiga ku qabato QAAD way gubi jirtay QAADKA iyo baabuurkaba. Qofkasta Somali ahi wuu garanayaa dhibta qaadku uu dadka iyo dalkaba u leeyahay.

Anigu waxaa qabaa inuu QAADKU sabab u yahay, waxyaabaha Calamka inaga reebay, ee dib inoo dhigay, ICTIRAAFKA aynu xaqa u lahayna u la’nahay. Waayo, wali calamka lama arag dal dagaal ka soo baxay, oo dadkiisa la xasuuqay, hantidiisana la burburiyay oo dhaqaalihii soo galayay badankiisa MAAN-DOORIYE siista.

Sanadkasta lacag ku dhaw $500,000,000 (Half a Billion Dollar) ayaynu QAAD ku soo iibsana oynu Itoobiya u dirnaa, oo dalkooda ku dhisataa. Miisaniyada sanadka ee dawlada waxa lagu qiyaasa lacag ku dhaw $300,000,000 (Saddex boqol oo Milyan dolar).  Halka ay wakhtigii Madaxwayne Dahir Riyaale ka ahayd $40,000,000 (Afartan Milyan oo dolar). Marka, QAADKU waa dhiig-bax dhaqaale.

Waxaan qaba, haddii dadka afti laga qaado, in dadka Somaliland 80% (Boqolkiiba sideetan) ogalanayaan in QAADKA la joojiyo.

Haddaba, dadka ka soo horjeeda in QAADKA la joojiyo, waa:

1;Dad nolol maameedkeeda ka sameeya, lakiin jacayl kale u qabin.

2;Kuwo cuna oo ka soo horjeeda in la joojiyo, lakiin haddii sidaa lagu joojiyo ka maarmaya.

3;Iyo koox aad u yar oo iyagu ku mamay cunida QAADKA oo dhakhtaro u bahan.

Teeda kale, waxaa jira dad faro ku tirasa oo ka tajiray QAADKA, kuwasi oo ka soo horjeeda in la joojiyo. Dadkani waxay suuqa soo galiyeen dacaayad raqiisa oo odhanaysa; QAADKU ayaa sabab u ahaa burburkii dawladii Siyaad Bare, haddii dawlada Somaliland joojiso QAADKA halka ayay ku danbayn doonta. Haddaba, dadka rumaysanaya dacayadani waa kuwo waxbadan ogayn. Dawlada Somalia waxaa burburiyay dawlad xumo ay hogaaminayeen dad jahiliina. Dawlada Siyad Bare Joojinta QAADKA waxay ka ahayd afka baarkiisa, ee wax qorshe ahi ma jirin. Afartii qof dalka maamulayay ayaa dalka soo galin jiray, QAADKUNA suuq madaw ayuu galay. Askartii gajoonaysana waxaa loo fasaxay inay dadka baadhan, ooy qofka QAAD ku qabtan lacag baada ka qaatan.

Haddaba, haddii dawlada Somaliland QAADKA joojiso oo ayna qorshe u samayn, sida dawlada Siyaad Bare ayuu QAADKU suuqa madaw gali doona, dadka masaakiinta ah ee nolol maalmeedka ka samayn jiray uu u gudhi doonta dhaqaalahoodu, dawladuna cashuurta ka heli jirtay ka heli mayso.

Haddaba, waa maxay qorshaha loo bahan yahay:
Kabida Miisaniyada dawlada

Miisaniyada waa dhaqaalaha dawladu ku maamusho dalka. Waa lacagta dawladu ku shaqayso ee mushaharka Ciidanka qaranka, Booliska iyo shaqalaha dawlada ka soo baxdo. Sida daradeed, cashuurta QAADKU dawladu ka hesho, kama maarmayso, taasina waa sababta dawladaha Somaliland soo maray uga meeraystan inay QAADKA joojiyan.

Haddaba, marka uu cudurkani KAROONA FARAYSKU ina dhaafo (Insha Alla), waa in dawladu dalka ka hirgaliso cashuur 5% – 10% Sales-Taxes (Value Added Taxes). Cashuurtani dadku bixinayaan marka wax iibsadan (ama adeegtaan). Lacagtani samayn wayn ku yeelan mayso dadka danyarta ah ee marka horeba lacag haysan, lacagta inteeda badan waxaa bixinaya dadka lacagta haysta ama maal qabeenada.

Tusaale ahaan, average-ka qofka Somaliland waxaa uu maalintii isticmaala $3-dollar (25,500 shilling) waxuu cashuur ku bixinayaa 0.15 Cents (1,275 Shilling) ama lacag ka yar kob shaaha maalintii.  Dalalka calamka badankoodi, Maraykan, Europe, Asia iyo Africa waxa isku raceen in ay dalkooda ka hirgaliyaan cashuurta Sales-Taxes (VAT). Lacagta Kastamka lagu qaado calamku boqolal sano ka hor ayay ka baxeen. Teeda kale, dadkeena waxa ay wax ku kala iibsadan/adeegsadan telefoonka, marka hirgalinta cashuurtani aad ayay u fududahay.

Dadka masaakiinta ah ee nolol maal meedkooda ka samaynayay QAADKA.

Lacagta dawlada ka heli karto Sales-Tax (ama VAT) way ka badnaan doonta lacagta cashuurta QAADKA ka hesho. Sida daradeed, waa in dawladu lacag guno ah siiso dadka QAADKA iibiya, mudada ay lacagta QAADKU dhaqaalaha dalka dib ugu noqonayso. Marka, QAADKA la joojiyo, dhaqaalaha dalku mudo kooban ayuu kor u kici doona. Lacagta dadku QAADKA ku iibsanayeen waxay waxay dib ugu noqonaysaa dalka: Tukaanada dharka, cuntada iyo maqaaxiyaha ayay camirmi doona. Dadka qaar ayaa lacagta QAADKA mashruucyo ku hirgalin doona. Sida daraadeed, dadka qaadka iibiya, waxay ka heli doona shaqooyin ama maherado kale ooy nolol maalmoodkooda ka soo saran.

Maal-gashi lacagta QAADKA

Lacagta qaadka inaga baxda dalka ayaynu ku maal galin karnaa. Waxaa lagu dhiiri galin karaa dadka in lacagta QAADKA ku siisan jireen ay samiyo kaga iibsadan sharkado hirgaliya mashruucyo dalka horumariya.  Tusaale ahaan, mashruucyo beero lagu dhaqo xoolaha, oo biyo xidheeno lagu waraabiyo. Si xoolaheena/hilibkeena saylado calamka looga iibiyo. Mashruucyo Beero waawayn, oo biyo xidheeno lagu waraabiyo, oo cunta aynu cuno, sida Bariis, iyo Qamadi (Daqiiq & Basto) ku beerno.  Haddii aynu cunta aynu cuno beerano, lacagta  cunta dibada kaga soo iibsana way inoo kaydmaysa, oo wax kale ayaynu galin karnaa. Waxaa kale oon hirgalin lahayn Warshada sibidhka Berbera, iyo Sharkad Laydh oo dalka oo dhan shida, si dadkeenu u helaan koranto jaban. Laydhka jaban waxaa uu hir galin lahaa in warshado yar yar dalka laga hirgaliyo.

Betroolka dalkeena ceegaga inaga ayaa la soo baxi karnaa, inaga oon sharkado Ajaniba 90% hantideena siinin. Qiimaha Betrolka calamku dhulka ayuu galay, mudo (sanad ama laba) ayay qadanaysa inta qiimaha Betroolku dib ugu soo noqon doono halka joogay KAROONA FARAYSKU ka hor. Dalkani Maraykanka sharkadii Betroolka Qaydhiin soo sarayay waxay la’ yihiin hamo ay ku shuban. Inay lacag ka helan iska daye, waxay gadhay in ay lacag ugu daran cida ka qaadata. Haddaba, tani waxay inaga inoo tahay fursad DAHABIYA (waa haddii aynu fahmayno). Waayo, sharkado badan oo Batroolka qodi jiray, (khasatan kuwa Marakanku) way kaceen.  RIIGAGII Betroolka lagu qodayay cid wax ku falaysa ma jirto, oo qiimo aad u jaban ayaa lagu heli karaa. Teeda kale, shaqalihii khibrada u lahaa qodida Betroolku way shaqo la’yihiin, meel kasta shaqo ka helayaan way tagayaan maanta. Dadkii xirfada iyo aqoonta (ama Petroleum engineering) u lahaana waynu inoo joogan. Haddba, Batroolkeena in aynu la soo baxno waxaa inaga xiga dhaqaale aan sida u badnayn. Haddii, aynu fursadani aynu ka faa’iidaysan wayno, waxaa noqonaysaa in sharkada ajaniba ay yeelan doona Betroolka dalkeena, inaguna shaqaale u noqon doona sida dalal badan oo Afrika ka dhacda.

ICTIRAAF RADINTA mudada dheer inagu qaatay waxaynu ku heli karnaa inaga oo hanti u horna, oo dalalka Afrikanka dhex dooda ka olalayna, dalalka Maraykanka iyo Europe Lobbying ka qabsana.

Dadkeena, khasatan dhalin yarada Isguulada, iyo Jamacada ka baxay ee Baaga-Muunda ah waxay heli lahaayeen shaqooyin fiican oo mushahar fiican bixiya.

Mashruucyada iyo barwaaqada aan kor ku xusay waxa aynu ku hirgalin karnaa mudo kooban, waxaa inag xiga dadkeena iyo dawlada oo ku adkaysana in QAADKU SIDA INAGA MAQNAADO OO DALKEENA LAGA MAMNUUCO, HANTIDA QAADKA INAGA GASHANA DALKEENA KU MAAL-GALINO.

Haddaba, DHAGIHII ILLAHAY WAANSHO AYAA WAANSAN!!.

Waxaa la yidhi haddii CADCEEDA LA WAAYO DAYAXA LAGU GUURA.  Haddii,  QAADKA gabi ahaan dalka laga joogin karin wakhtigan. Marka, waxaan ku talin lahaa in bil ama laba bilood ka dib, LABA CISHO (Khamista iyo Jimca) oo kaliya la ogalaado inuu QAADKU dalka soo galo, WAKHTIGA UU SOO GALAYANA LAGA DHIGO 2:00 PM. Labada cisho waxaan hayn ciddii lagu qabto iyada iibinaysa ama cunaysa la xidho.

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!

QALINKII; OMAR A YOUSUF

OAKLAND, CALIFORNIA

Omaryousuf455@gmail.com

WWW.DANQARAN.COM

 

 

COMMENTS
LINKS