|
|||||
WAJAALE NEWS
========OORI KULULAATEY!!=======
May 13, 2020 - Written by Wariye:Maantana miyaan idiin muquursiiyo mowjadaha badweynta suugaanta moolka hoose intaan u daadago miyaan idinku maaweeliyo gabayo aad Moogan tihiin. AUN Faarax daad waxa laga hayo gabayadiisii waa kooban yihiin taasina waxaa sobab u ah ha I weydiin. Waayo jawaaba uma hayo. Haddab waayaha aduunku galaba waa cayne Faarax Daad waxaa soo maray wakhti adag aad na u dhibaato badan Faarax wuu xanuunsadey aad buu u caatoobey xoolihiina waa ka madheen oo waa caydhoobey OORIDIISII waxay ahayd mid aad iyo aad u kuluul ubadkiisu wuxuu ahaa hal wiil iyo gabdho badan caydhnimo iyo xanuunkisa dartood tolkii iyo xididkiiba waa ku nacay hablihiisii wax la.aan darteed ayay xataa maryihii ka dhamaadeen. Dhibaato aduun ayaa Faarax Daad mashaqeysey wiilkiisa kaliya lamuu joogin wuxuu ku maqnaa Nayroobi. Markii waayaha aduun Faarax Daad ku adkaadey ayuu waxa uu ku tashadey wiilkaagii maad fariin u dirtid markaasi raadiyey cid Nayroobi tageysa saa wuxuu heley cid u socota markaasu sheekh carabiga yaqaaney utagey oo uu ku yidhi Aw Jaamacow waxaad ii qortaa warqad Aan wiilkeygii u diro. Aw jaamac wuxuu ku yidhi hawraarsan iyo gudoon ee bal soo daa Faarax Daad isagoo waayaha iyo wacdaraha aduunku sidey u soo godeen sheegaya wuxuu yidhi qor waxaan ku tidhaahdo. “Aduun Gabban ah Qor. Waa waxan sidaa Ula engagay Qor. Ilma adeeradaa geella Qor. Ayaantiis kastaba bootadan Qor. Haddaan arradka gaalada Qor. Waar bal intaasi wiilkeygii iga gaadhsiiya Faarax Daad markaasuu barwaaqo meel walba dhigtey oo dadkii ka ordi jirey ku soo noqdeen oo Geellii. Adhigii. lo.dii iyo Fardihiba xero kasta ka buuxsadey markaasa Hablihii laga Guursadey. Faarax wuxuu u yeedhey Waddaadkii maalintii warqada u qorey buu u yeedhey wuxuu ku yidhi qor waxaan ku idhaahdo. “Xamdi mahad Qor. Xamdi mahad Qor. Xamdi mahad Qor Dareen jiitayaasha maansada maalinba qormo Horleh oo macaansigeeda aad u sii shiiqsataan sidii cad dhadhan leh oo idinku tagey baan idiin soo xuli doonaa.
Waxaa Qorey. Eng Habane Abdi Habane COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|