Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Ku Yimid Waqtiga Guddiga Doorashada Somaaliya Hor Iman Lahayd Barlamaanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Ku Yimid Waqtiga Guddiga Doorashada Somaaliya Hor Iman Lahayd Barlamaanka.
May 26, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)- Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca taariikhda uu guddiga doorashooyinka Soomaaliya barlamaanka hor imaanayo si uu usoo bandhigo warbixin laga sugayo oo ku saabsan doorashada iyo waqtigeeda.

Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray walaaca uu ka qabo dib u dhaca ku yimid warbixinta guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga ayaa qorshuhu ahaa in ay barlamaanka hortagaan 27 May, balse dib u dhigis lagu sameeyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee barlamaanka ayaa sababtay in laga dhigay 27 june waqtiga uu guddigu hor imaanayo barlamaanka, halka kalfadhigu furmayo 7 june.

Beesha caalamka ayaa il gooni ah ku haysa doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo dowladda federalka ku booriyay in la qabto doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin oo lagu wada qanacsan yahay.

Balse, waxaa muuqata in aysan weli dowladda federalka qaadin tilaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee loogu diyaar garoobayay doorashadaas,

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE

COMMENTS
LINKS