“Marka La Maqlo Bulsho Ka Cabanaysa Ambalaas,Oxygen,Dawooyin Iyo Biyo, Waa In Loo Dareemaa Si Ka Duwan Baaqyada Beelaha”Cali Mareexaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Marka La Maqlo Bulsho Ka Cabanaysa Ambalaas,Oxygen,Dawooyin Iyo Biyo, Waa In Loo Dareemaa Si Ka Duwan Baaqyada Beelaha”Cali Mareexaan.
May 26, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ex Wasiir Cali Mareexaan oo katirsan xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka hadlay tabashada shacabka Somaliland oo mudooyinka kusoo badanaya in ay ka hadlaan baahiyaha aas aasiga ee deegaamadooda taasi oo ku tilmaamay in ay tahay ilbaxnimo xukuumadana looga baahan yahay in ay udhago nuglaato.

Siyaasi cali mareexaan ayaa qoraal uu dhawaaqa bulshada kaga hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Dadkeenu Inimka Kama Hadlaan Xisbiyo Iyo Taageeradooda iyo loolan Siyaasadeed, waxa ay inta badan ka hadlaan waa wax qabad iyo waxyaabaha noloshooda taabanaya sida: caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaad arkaysaa dadwaynaha oo ka hadlaya baahiyaha adeega bulsho ee ka jira deegaamadadooda iyaga oo ku canaananaya dawladooda in ay wax ka qabato. Waxaan u arkaa ilbaxnimo iyo wacyiga bulshada oo koraya.

Marka la maqlo bulsho ka cabanaysa Ambalaas, Oxygen dawooyin iyo biyo IWM waa in loo dareemaa si ka duwan sida loo dareemo dawaaqyada ama baaqyada beelaha ee micno darada ah ama isku tuurtuurka iyo xifaaltanka siyaasiyiinta ee xisbiyada dhextaal. Jawaabta waxyaabaha laga cawday cidda ka masuulka ahi waa inay noqotaa:

  1. a) in uu deg deg uga jawaabo baahidaa shacab kiisu ka soo cawday inta hadba awoodu tahay,
  2. b) ama waa in uu sharxaa wixii hore looga qabtay iyo sida iminka xaalku yahay iyo weliba waxa u qorshaysan.

Sidaana waa inay isku xidhnaanta bulshada iyo dawladu joogto u ahaataa gaar ahaan inta lagu jiro xiliyada iyo xaaladahan adag

COMMENTS
LINKS