Mahadhooyinkii Muuse Igarre.W/Q:Cali C. Coomay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mahadhooyinkii Muuse Igarre.W/Q:Cali C. Coomay.
May 9, 2020 - Written by Editor:

Duullaankii Hobyo

Muuse Igarre wuxuu ahaa sarkaal sare oo si toos ah ula shaqeeya Ingiriiska, waxaanay derejadiisu ahayd (Major). Wuxuu ahaa nin dagaallada hoodo ku leh oo inta badan dagaallada uu galo libin ka keeni jiray. Sidaasina ayuu Ingiriisku ku aaminay inuu yahay geesi ka libin keena shaqada uu qabanayo. Ka hor inta aynaan u gelin duullaanka uu Muuse Igarre ku qaaday saldannadii Yuusuf Keenadiid ee ka dhisnayn deegaanka Hobyo ee gobollada dhexe ee Soomaaliya. Waxa aynu is-dul taagi doonaa siday ahayd xaalada Hobyo wakhtigii uu gacanta ku hayey Suldaan Yuusuf Kanadiid.

Xukunkii Yuusuf Keenadiid ee Hobyo

Yuusuf Keenadiid wuxuu deegaanka Hobyo soo degay horraantii sannadkii 1885, waxaana isla markiiba ku dhawaaqay inuu yahay Suldaanka deegaanka. Dabcan deegaankani wuxuu mid ay degan tahay beesha Hawiye (Habar Gidar). Halka Yuusuf Keenadiid uu ka yimid gobolka Bari gaar ahaan Boosaaso oo ay beeshiisu degto. Qacdii hore wuxuu xidhiidh la sameeyey boqorkii jasiirada Sansibaar Siciid Barqash oo gacanta ku hayey maamulka Kismaayo iyo Banaadir. Siciid Barqash wuxuu u soo diray caawiyo iyo la taliyeyaal ugu yimid Hobyo suldaan Keenadiid, waa ka hor intii aanu Talyaanigu soo cago dhigan dalka Soomaaliyada maanta.

Markii dambena wuxuu Suldaan Keenadiid soo dhaweeyey Talyaanigii qaybta u helay inuu gumeysto Soomaaliya. Badhtamihii sannadkii 1890 ayuu badhsaabkii Talyaaniga ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Vincenza Filonardi hub siiyey Suldaan Keenadiid. Markii uu hubkaasi helay wuxuu awoodiisii ku ballaadhiyey Xarardheere, Ceelbuur, Dhuusamareeb ilaa Gaalkacayo. Dadkii deegaannadaasi ku noolaa ayey ciidankii Suldaanku kadeed iyo dhibaato aan la soo koobi Karin kula kaceen. Sababta uu Talyaanigu hubku u siiyey Keenadiid ayaa ahayd inuu wax kala qabto beesha Habar Gidar oo ka soo horjeeday gumeysiga Talyaaniga. Yuusuf Keenadeed wuxuu sidoo kale xidhiidh hoos la lahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Duullaankii Muuse Igarre ee Hobyo

Ingiriiska oo qaba tuhunka ah inuu Suldaan Keenadiid xidhiidh hoos oo taageero la leeyahay Sayidka. Shakiga Ingiriisku ka qabay Suldaan Keenadiid waxa sii badhi taageeray mar uu Talyaanigu xidhay Suldaanka iyo inankiisa Cali Yuusuf, ayuu Sayidku shuruud ku xidhay inuu la hadlo Talyaaniga ilaa uu soo daayo Suldaanka. Waxaanu Sayidku ku geeraaray:

Talyaani koofiyad weynow,

dabadeed aad kalaantoo,

kaftankii aad shubtee,

Keenadiid ma waddaa?.

Ka dib waxa la qorsheeyey in weerar lagu qaado xaruntii Hobyo oo uu deganaa Suldaan Keenadeed. Hawlgalka weerarka waxa loo xil saaray Major Muuse Igarre oo ahaa dagaalyahan guullo si daba-joog ah ka soo hooyey dhawr dagaal oo uu hogaaminaayey. Muuse Igarre wuxuu soo bandhigay qorshe dagaal oo sidan u dhignaa:

= In marka hor dadka deegaanka la hubeeyo, si ay u caawiyaan ciidanka uu wato Muuse Igarre.

= In markab hub iyo ciidan sida laga dejiyo dekeda Hobyo si ay ciidankaasi afantari ahaan dhinaca dhulka uga weeraraan xarunta Suldaanka

= In weerarku dhaco salaad hore

(“The British authorities decided to remove Suldaan Al Yusuf Kenadid from hobyo. They appointed Major Muse Igarre to be incharge of the operation, named “Hammer Hobyo” he had with him 200 soldiers from somaliland camel corps and 100 indian soldiers from the Punjab.”).. Igarre And The Battle of Hobyo….Eng Yuusuf Culusow 1995….2000.

Markii uu Major Muuse Igarre qorshihii u soo bandhigay Ingiriiska, markiiba wuu ku qancay Janaraal W.H.Manning oo ahaa taliyihii guud ee hawlgallada Ingiriiska. Janaraalku wuxuu ahaa ninkii hogaaminaayey dagaalladii lagu qaaday xarumaha Daraawiishta sannadkii 1903. Waxaana la gudogalay fulinta weerarkii. Markii uu markabkii iyo ciidankii saarnaa gaadheen deegaanka Hobyo ee ciidankii deegankana hubkii loo qaybiyey ee dagaalka la fahansiiyey. Ayuu dagaalkii bilaabmay wakhti salaad hore. Ciidankii afanteriga ee markabka saarnaa ee uu horkacayey Muuse Igarre iyo kuwaa deegaanka ayaa markiiba ay dagaal food isku dareen goobihii laga difaacayey xarunta Suldaanka. Markabka ayaa isna madaafiic hadhka kaga dhigay qalcadihii uu Suldaanku ku jiray.

Dagaalka ayaa socday saddex cisho oo xidhiidh ah, aakhirkiina waxa cagta la mariyey xaruntii Suldaanka. Maxaabiis tiro badan ayaa lagu qabtay xaruntii Suldaanka, kuwaasi oo isugu jiray qaraabada Suldaanka iyo rag shisheeye ah. Muuse Igarre ayaa amray in dhammaan maxaabiista la sii daayo marka laga reebo Suldaanka oo isaga la xidhay. Rag shisheeye ahaa ayaa iyana lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen, waxaa ku jiray kuwa u dhashay jasiirada Sansibaar oo Siciid Barqash ka talinayey. Muuse Igarre wuxuu maamulkii Hobyo ku wareejiyey dadkii deegaanka ee u dhashay ee uu hore xoog ugu haystay Suldaan Keenadiid. Suldaan Yuusuf Keenadiid ayuu xidhay Muuse Igarre, halkaasina waxa ku soo afjarmay kadeedkii Keenadiid ku hayey beesha Habar Gidir ee deegaankooda uu xoog ku haystay Suldaan Keenadiid.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

The Somaliland Camel Corps……. …C/qadir Daa’uud Maydhane (1990) bogga…144.

Igarre And The Battle of Hobyo…….. Qoraallo taxane ah oo uu diyaariyey Eng. Yuusuf Culusow intii u dhaxaysay (1995…2000).

COMMENTS
LINKS