Madaxwaynihii Hore Ee Maamul Goboleedka Gal Mudug Oo Ku Sugan Caasimada Hargaysa Iyo Dareenka Ay ku Qaabileen Shacabka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynihii Hore Ee Maamul Goboleedka Gal Mudug Oo Ku Sugan Caasimada Hargaysa Iyo Dareenka Ay ku Qaabileen Shacabka Somaliland.
May 15, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Madaxwaynihii Hore Ee Maamul Goboleedka Gal Mudug Axmed Ducaale Geele “Xaaf” Ayaa Maalmihii Udanbeeyay Ku Sugan Caasimada Somaliland Ee Hargaysa oo uu ku yimid safar shakhsi ah.

Safarka Uu Madaxwaynihii Hore Ee Maamul Goboleedka Gal mudug Axmed Ducaale Xaaf ku jooga caasimada somaliland Ayaa wararka aanu ka helaysaa waxay xaqiijiyeen in uu yahay safar shakhsi kaasi oo kusoo buuqday eheladiisa oo degan Hargaysa islamarkaana aan la xidhiidhin wax siyaasad Ah.

Ex madaxwayne xaaf ayaa ah odoy somaliyeed oo mudo dheer kusoo dhex jiray siyaasada somalida islamarkaasna mudadaasi aan mudadaa lagu arag wax lidku ah somaliland iyo shacabkeeda kuna suntan odoy samo talis ah oo hurmood ah shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee ku caanka ah ilaalinta somalinimada iyo wax isku ahaanshaha bulshada.

Sidoo kale Ex madaxwayne xaaf ayaa kamid ahaa siyaasiyiintaa doorka ku lahaa halgankii somaliya lagaga xoreeyey dawladii rajiibka ahayd ee siyaad bare gaar ahaan koonfurta somaliya isagoo qayb ka ahaa jabhadii uu hogaaminayay general Maxamed Faarax Caydiid oo shacabka somaliland ugu suntan halyay qaran oo qayb laxaadle ka qaatay dib uxorayntii somaliland gacan buuxdana siiyay jabhadii SNM ee bud dhigtay Jamhuuriyada Somaliland. Iyadoo xukuumada iyo shacab Somaliland Ay ku qaabileen dareen soo dhawayn ah.

Tan iyo intii uu madaxwaynihii hore ee Gal Mudug soo gaadhaya caasimada somaliland ayaa dhanka kale waxaa lagu Arkayay warar ay ka baahinayeen warbaahinta gacan saarka Dhow la leh maamulka madaxwayne farmaajo ee Nabur iyo Xaxdin oo warar been abuur ah ka baahinayay safarka Ex madaxwayne Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isagu soo dhawayn iyo milgihii lagu yaqaanay shacabka somaliland kala kulmay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS