|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Wasiirkii Hore Ee Boosaha Oo Ku Geeriyooday Magaalada Boorama
May 1, 2020 - Written by Editor:INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Faarax Dhoore oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 01/05/2020, magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka, kana mid ahaa muwaadiniintii ka soo qayb-qaatay horumarka dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka oo uu ugu danbeeyey wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo ka Qaybgalay Aaska Qaran oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum/Xildhibaan... DAAWO;-Abwaanada Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees Iyo Weedho Suugaan... Daawo:Wasiirka Maaliyada Oo Hor Tagtay Golaha Wakiilada Una Gudbisay Miisaaniyad Sanadeedka 2017 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|