Madaxwaynaha Jsl Oo Lafilayo In Uu Safar Deg Deg Ah Ugu Baxo Dalka Itoobiya Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Socdaalkiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Lafilayo In Uu Safar Deg Deg Ah Ugu Baxo Dalka Itoobiya Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Socdaalkiisa!
May 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lafilayaa maalmaha soo socda in Uu Safar Ugu Anbaboxo Caasimada Dalka Itoobiya Ee Adis Ababa Wallow Aan Wali La Shaacin Ujeedada Socdaalkiisa Ee wakhti Xaadirkan Oo Caalamka Uu Kala xidhay Xanuunka Coronavirus Kaasi Oo saamayn ku yeeshay Duulimaadyada Dunida.

Wararka laga helayo Safarka Madaxwaynaha Somaliland Ku Tagayo dalka itoobiya ayaa sheegaya in uu Casuumad ka helay Raysal wasaaraha Dalka itoobiya Abbey Axmed.

Sidoo kale xogaha kasoo baxaya safarka madaxwayne bixi ayaa tibaaxay in ay la xidhiidho Xaalad Caafimaad oo lasoo daristay Madaxwaynaha Taasi oo aan sicad loo ogayn Xaqiiqadeeda iyo sida uu yahay Xanuunka la sheegay in uu madaxwaynaha kusoo Booday

Dhanka kale Wararka laga helayo safarka madaxwaynaha Ayaa intaa ku daray in uu la xidhiidha talaabada xukuumada somalland ku joojisay jaadka Somaliland uga iman jiray dalka itoobiya oo saamayn dhaqaale ku yeeshay dalka itoobiya iyo guud ahaan ganacsiga udhexeeya Somaliland Iyo Itoobiya. Halka wararka qaarna sheegayaan in dawlada itoobiya siwayn uga cadhootay ficilada ciidanka Somaliland ku gubayaan qaadka Somaliland kasoo gala xuduudka ay wadaagaan dalka itoobiya kaasi oo kiciyay shucuubta shacabka itoobiya oo iyagu qaadka siwayn ubeerta uuna kasoo galo dhaqaale badani,

Deegaanada uu kasoo baxo qaadka ee dalka itoobiya ayaa ah kililka Oromada ee uu kasoo jeedo raysal wasaare abbey axmed oo dalka itoobiya ka Ah qoomiyada ugu badan hadii ay dawlada ka horyimaadaana saamayn balaadhan ku yaalanaysa hogaaminta dalka ee raysal wasaare abiy axmed.

Dhanka kale dawlada itoobiya ayaa la sheegay in ay dareen wayn ka qaadatay sobobta ay Somaliland ku joojisay qaadkii uga iman jiray dalkeeda kaasi oo ay dareen wayn ka qabto in gacmo shisheeye ay lug ku leeyihiin joojinta qaadka oo madaxwaynaha Somaliland cadaadis  ay ku saareen xubno ganacsato ah iyo dhakhaatiir la sheegay in ay xidhiidh dhow laleeyihiin dalka masar oo xafiiltan siyaasadeed ka dhexeeyo dalka itoobiya.

Xubno kamid ah ganacsatada Xukuumada Somaliland usoo jeediyay in ay qaadka joojiso islamarkaana ay bixin doonaan dhaqaalihii ay ka heli jirtay cashuurta kasoo gasha qaadka ayaa xogaha laga helayaan tibaaxeen in ay yihiin kuwo dalka masar udhoofiya geele taasi oo abuurtay dareeno shaki galiyay shacabka Somaliland iyo dawlada itoobiya,  daboolkana ka qaaday in ay jiraan dano siyaasadeed oo ku xeeran joojinta qaadka ee xukuumada Somaliland kuwaasi oo ujeedadoodu umuuqato in ay fulinayaan siyaasado qarsoon oo dalka masar ku doonayo in ay uga faa,iidaysato qorshe ay ku wiiqayso dhaqaalaha dalka itoobiya halka xukuumada Somaliland loogu eekaysiiyay  dadaalada lagaga hortagayo xanuunka coronavirus.

Sikastabaha ahaa waxaa laga war sugidoonaa safarka madaxwaynaha Somaliland ee lafilayo in uu ugu baxo dalka itoobiya Iyo xaqiiqada wararka kasoo baxaya socdaalka madaxwaynaha jsl ee dalka itoobiya.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS