|
|||||
WAJAALE NEWS
“Hay’adda Shaqaaluhu Miyirkii Ha Soo Ceshato, Oo Ha Joojiso Xuuraanka Iyo Cabsi-gelinta Ay Kula Kacayso Shaqaalaha”Xil Cartan.
May 19, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamid Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay Taalbooyin ay maalmihii udanbeeyay gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawladu ku eryay laba kamid ah shaqaalaha wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo maaliyada kuwaasi oo aan loo marin qaabka uu dhigayo sharciga shaqaaluhu isagoo sheegay in ay ku kacday sharci jabin iyo gaf ay kula kacday xuquuqda uu siinayo qofka shaqaalaha dastuurka Somaliland. Sidoo kale xildhibaan cartan ayaa haayada shaqaalaha ku eedeeyay in ay hayso shaqo aan teedii ahayn oo xuuraan taasi oo ah shaqadii haayadaha Nabadgalyada Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan ayaa qoraal uu kaga hadlayo talaabooyinka sharci darada ah ee ay ku haayada shaqaalaha dawladu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; Hay’addii Shaqaalaha Dawladdu miyey waalatay?mise way soo wadataa? 10kii cisho ee ugu danbaysay laba shaqaale bay ku dhawaaqday inay shaqadii ka eridey! Hawl yaraa shuqulku. labada shaqaale ee la eryey labada wasaaradood horumarinta maaliyadda iyo xanaanada xoolaha bay ka tirsan yihiin. Hay’adda Shaqaaluhu, awel ma waxay u xilsaarnayd daryeelka shaqaalaha mise dibindaabyadiisa? Cidda maanta duruufaha dhaqaale xumo, caafimaad xumo, ramadaan oo isbiirsaday qof shaqaale ah quuto yoomigi ka jaray maxaynnu ku magacawnaa? waa mid subxaan Alla! wuxu meel kaga dhacay xuquul insaankii aasaasiga ahaa ee shaqalaha. sumcadda qaranka Somaliland oo uu ka yeelayo xukuumadda aan u tudhayn dadkeeda nugul, magacii hayadda shaqaalaha oo u muuqda mid halkii ay u hiilin lahayd caadinaysa shaqaalaha. Tallaabadan hay’addu waa mid sharci darro ah waana dastuur jebin, waana jebinta xeerka shaqaalaha dawladda (civil Service law) xeer lam. 7/96, cutubkiis7, qodobadiisa 25, 26 iyo 27 oo tilmaamaya anshax marinta qofka shaqaalaha ee khalad sameeya. Anshax marinta waxa samayn kara Guddi sare oo heer qaran oo madaxweynu magacaabo oo 9 xubnood ka kooban ama Guddi heer wasaaradeed ah oo 3 xubnood ka kooban. Ma cadda in gudiddaa heer wasaaradeed ay arrintan ka fadhiisteen. Xeerku sheegi maayo meel ay hay’adda shaqaaluhu ka soo gasho eriga iyo eedeynta qof shaqaale wasaaradeed ah. Waxad moodda inay hay’addii shaqaaluhu hayso shaqo xuuraan oo ka habboonaa hay’daha nabadgelyada. Hay’adda shaqaluhu miyirkii ha soo ceshato, hana joojiso xuuraanka iyo cabsigelinta ay kula kacayso shaqaalaha masaakiinta ah ee waxay dawladda ka qaataanba aanay daboolin kirada guriga qofku deggan yahay. Xildhibaan cabdiraxmaan yuusuf Cartan; Related posts:Daawo:Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmedka Soomaaliya Oo Balan Qaaday In Sii Wadayo Wada Hadaladii... Daawo: Wasiir Sacad Cali Shire Oo Cadeeyey Inuu Hoos U Dhacay Adeegii Dekeda Berbera, Fariina U Dira... Daawo:Qaybtii Sadexaad Waraysi Xiiso Badan Oo Uu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Kaga Hadlay Waayihiisii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|