Halkeed Ku Ogayd, Dakhligii Iyo Maamulkii Hawada Somaliland? Maxaadse Kala Socotaa Qadarka Lacagta Ay Somaliya Uqoondaysay Jsl? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkeed Ku Ogayd, Dakhligii Iyo Maamulkii Hawada Somaliland? Maxaadse Kala Socotaa Qadarka Lacagta Ay Somaliya Uqoondaysay Jsl?
May 17, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo kamid hogaanka sare ee xisbiga mucaaridka ee wadani ayaa ka hadlay halka ay ku danbaysay maamulkii hawada Somaliland iyo dhakhliga kasoo xaraada halka wakhti xaadirkan xaalkeedu marayo.

Sidoo kale Siyaasi Xamse ayaa soo bandhigay qaabka ay somaliya umaamushay dakhligii kasoo xaraaday hawada somaliya oo ay iyadu gacanta ku hayso maamulkiisa kaasi oo dhaqaalihii kasoo xarooday oo dhan $35milyan ay Somaliland uga qoondaysay Qadar Lacageed Oo dhan $10milyan.

Dhanka kale siyaasi xamse ayaa hadlay shuruuda ay somaliya ku xidhay in ay Somaliland usoo dayso lacagtaasi isagoo wasiirka maaliyada Somaliland ugu baaqay in uu bulshada ucadeeyo qasanada ay lacagtaasi ku dhacayso islamarkaana uu ku cadeeyo miisaaniyada qaranka.

Siyaasi Xamse ayaa Qoraal uu arinta hawada Somaliland kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Dakhligii Hawadda Somaliya & Somaliland Oo In Muddo ahba Gacanta Ugu Jiray Dawladda Federaalka Soomaaliya Ayaa waxa Ay Soomaaliya u soo fasaxday Somaliland $10 milyan oo dollar Halka iyaguna ay qaateen $25 milyan oo doolar. Xaasilka dakhliga la hayo ayay Soomaaliya ku doodday inuu yahay $35 Milyan. Waxay Xukuumada Somaliya Dakhliga Guud ka riftay Kharashaad fara Badan Oon Cidi la ogayn. Dadka arimahan khubarada ka ah ayaa sheegaya in qoonddada Soomaliland ka hooseeyo tii ay xaqa u lahayd balse aanay gorgortami karin madaama gacanta ay hore uga gelisay maamulka hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Soomaaliya ayaa Dakhligeenii hawadda sii-dayntiisa dhaafsanaysa dano siyasadeed oo ay ka leedahay wada-hadaladda labada dhinac iyo imaatinkii baaqday ee Farmaajo Hargeysa uu ku iman lahaa oo qudhiisu ahaa waxyaabaha uu ku xidhay sii-daynta lacagtan.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL waxaa looga fadjiyaa saddexdan arimood:

1) Inuu si rasmiya ugu cadeeyo dadka in lacagtaasi soo gaadhay Somaliland iyo guud ahaan qoondadda sida loo xisaabiyay.

2) Inuu xaqiijiyo in qasnadda dhexe ee qaranka lacagtaasi ku dhacdo oo aanay ku leexan jeebab gaar ah. Waana iney ka muuqataa xisaab-xidhka iyo miisaaniyadda qaranka.

3)In mustaqbalka maamulka hawadda uu gacanta DFS ku sii jirayo iyo in qorshe lagula soo noqonayaa jirayo. Hore waxaa loogu heeshiiyay Turkiga in Maamulka hawadda Soomaaliya & Soomaalilaan noqdo Hargeysa heshiiskaas oo dhanka Soomaaliya Ka baxday.

Dhanka kale warbaahinta kala duwan waxaan ka codsanayeaa in arinta ay bulshada uga war doonto arinka oo ay ila soo xaqiijiso. Kolay anigu ilaha wareedyadda aan ka helay arintani waa kuwo aan ku kalsoonahay.

Allaa Mahad leh;

Qalinkii Iyo xogtii; Siyaasi Xamse Cabdiraxmaan Khayre

COMMENTS
LINKS