|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri; Maanso Baroor Diiq Ah Oo Abwaan Laabsaalax Ka Tiriyay Geerida Muj Xasan Guure.
May 18, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Dhuxul laabsaalax oo kamid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa maanso katiriyay geerida muj xasan guure jaamac oo maalintii shalay lagu aasay magaalada hargaysa. Abwaan xasan Dhuxul ayaa maansadani ku sifiyeeyay halyaynimadii, daqashada dareenka shacankiisu ay ku dheehnayd ee Marxuum Muj Xasan Guure Jaamac. Halkan ka akhri maansadan oo Dhamaystiran; Mar Haduu Galbaday Xasan Guure tagay Gabalbaa u Dumay Gayigiyo Dadkoo Waxa Galay xabaal Garab Daar nin loo Godob Aan ka Talin Midhka Golaha yaal Aan gees ka marin Oon Gobol u xillan Garashiyo runbaa geeridu dishoo hadii guurtinimo oday lagu gartaa jiray geeska bari Nin waynbaa go,oo Guud yimi xaqii kuma gaadh ka qaban danta guud hadeer genayoow dadkani Loo qoday godkee Geesigoodu yahay nin ilaah ka go,ay Garab yaa u noqo mar hadii god galay xasan guure tagay Maatidan godoban Gobood Yaa u Noqon Yaa Guri midhaha Yaa u Waabi geed Yaa tilmaanta guud gaadhsiin bulshada Yaa ka guban dhibtiyo Wixii gaadhayoo Uga go,i hurdada Abwaan xasan Dhuxul laabsaalax
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|