|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida Ka Hortaga Covid19 Oo Soo Saaray Go’aamo, Joojinta Salaada Ciida Iyo Isku Socodka Gadiidka!
May 20, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)Guddida Heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa Maanta soo saaray Go’aamo La xidhiidha Maalmaha Ciidul Fidriga. Guddida heer qaran Covid19 ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay wada tashi la yeesheen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiir Khibrad durugsan u leh sida laysugu gudbiyo Xanuunka Covid19, waxa ay soo saareen Go’aamo. Go’aamadan ay guddidu soo saartay waxaa lagu joojiyey Gabi ahaanba Isu soo bixii maalmaha Ciidda iyo Tukada Salaadda Ciidul-fidriga ee Masaajidada iyo Garoomada. Sidoo Kale Waxaa lagu joojiyey Guud ahaanba Isu-socodka Gaadiiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay Ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka. Waxaa la faray Mulkiilayaasha Garoomada iyo Goobaha Caruurtu Ku Ciyaarto inaan la furi karin si looga bad baado Xanuunka Covid19. Waxaana la faray Dhammaan laamaha Ammaanka ee Dalka inay ku hawl galaan Ammaradan Guddida heer Qaran ee Covid19 JSL.
Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Xog:Abaandulaha Ciidmada Milateriga Somaliland oo daboolka ka qaadey in khilaafkii ka dhex oognaa Is... Daawo:C/raxmaan Cadami Oo Naqdiyay Kulankii Madaxwaynuhu La Yeeshay Haayadaha Maamul Wanaaga Iyo Han... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|