Farxaan Aadan Haybe Muxuu U Fulin Waayay Sharcigii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Saxeexay Ee Agaasimeyaasha Maamulka Iyo Lacagta?. Q -3aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Farxaan Aadan Haybe Muxuu U Fulin Waayay Sharcigii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Saxeexay Ee Agaasimeyaasha Maamulka Iyo Lacagta?. Q -3aad.
May 16, 2020 - Written by Editor:

In kasta Oo Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe ka gaws-adaygay inuu beddelo agaasimaha maamulka iyo lacagta ee sharcigu dhigayay beddelkiisa, waxa hortii isku deyay inay wax ka qabtaan masuuliyiin ka horreeyay, kuwaasna cagta ayaa dhulka loogu dhuftay.

Xilligii uu Muxumed Aw Cabdi ahaa Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland 2010-2011 waxa isku deyay in uu tallaabo ka qaado ku-xigeenkiisa oo Sulub la odhan jiray, waxaase ka ergeeyay odayaal iyo cuqaal ay Amaal Cabdiraxmaan diratay. Waxa ay isku dareen ergo iyo gooddi baajiyay tallaabadii uu qaadi lahaa Sulub oo ahaa ku-xigeenka iyo ku-simaha guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda

Had iyo jeer dadka waxay u sheegataa nasab iyo qabiil. Waxay awooddaas ku yeelatay waa miisaaniyadda qaranka ee awooda u siisay inay odayaal iyo jiif caaqillo ku dhaqaajiso.

Mar uu doonay in uu tallaabo ka qaado Sharmaarke Geelle oo ahaa Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda 2016-2019 waxa soo dhex galay odayaal la dhaqdhaqaajiyay. Qofku marka uu xafiis haysto 20 sanno waxa uu moodaa dukaan uu leeyahay. Waxa ay si wanaagsan u fahantay sida loo isticmaalo miisaaniyadda haayadda shaqaalaha dawladda, taas ayaanay la maamushaa oo la maashaa madaxda hadba qabsata.

Qaybaha ay maamusho ee ay diidday inay shaqaalihii loo soo magacaabay ku wareejiso, waxa ka mid ah:

Personalka, procurement oo ah meelaha  wax lagu cuno, logistics, finance-ka, gaadiidka iyo mashiinnada iyo spareparts-ka, cleaners-ka, Administration-ka, waxa ay si khalad ah u maamusha shaqooyin (job descriptions uu leeyahay Agaasimaha Guud).

Waqtigii ay ahayd in la badalo waa Januaary 1, 2020. Maanta waxay maraysaa May 14,2020. Wayn joogaysaa inta Farxaan Joogo.

Inta Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe ka gaws-adaygayo fulinta sharciga qaranka, lama aqbali karo in uu iska caydhiyo shaqaale aan waxba galabsannin. Suaalaha uu ugu neceb yahay ee uu jidhka iska geliyo waxa ka mid ah wax ku saabsan agaasimaha aan la taaban Karin ee maamulka iyo lacagta u qaabbilsan haayadda shaqaalaha ee uu madaxda u yahay.

La soco qaybaha kale

XIGASHO; Xogreebnews

COMMENTS
LINKS