Fanaanka Saalax Carab Oo U Dhashay Yemen oo Muddo Ah Ku Xidhna Magaalada Hageysa Ayaa Dib U Helay Xorriyadiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fanaanka Saalax Carab Oo U Dhashay Yemen oo Muddo Ah Ku Xidhna Magaalada Hageysa Ayaa Dib U Helay Xorriyadiisa.
May 10, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Fannaanka Saalax Carab, ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Hargeysa oo uu in muddo ku xidhnaa.

Saalax Carab, ayaa sheegay in uu u mahad celinayo Xisbiyada mucaaridka iyo shacabka Somaliland balse aanu abaal u hayn Fannaaniinta Somaliland.

Laba fannaan oo kale oo lala xidhay ayaa weli xabsiga ku jira kuwaas oo u dhashay Somaliland balse fannaankan Saalax Carab ayaa u dhashay waddanka Yemen.

COMMENTS
LINKS