“Dee Malaha Nuux Taani Laftiisa In Madaxwaynuhu Uu Bilad Geesi Siiyo Ayay Ahayd”Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dee Malaha Nuux Taani Laftiisa In Madaxwaynuhu Uu Bilad Geesi Siiyo Ayay Ahayd”Muj Cali Guray.
May 19, 2020 - Written by Editor:

“Hadii Halgankii Bilad Geesi la Isku Siinayo, Kow Waxa Yeelan Lahaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) laba Ibrahim Koodbuur.Kuwa Nool Horta Qabo Ibrahim DHEGAWAYNE”Muj Cali Guray.

BILAD GEESIDII KOOWAAD

Dee Malaha Nuux Taani Laftiisa In Madaxwaynuhu Uu Bilad Geesi Siiyo Ayay Ahayd. Allah Maxaan aqaan geesi la soo jiifay halgankii tan iyo 1982kii. Rujiye wuxu ahaa Taangiiste wanaagsan oo ay ku dhaadan jirtay Guutadii 50aad ee Gaaska labaad. SNM wuxu ku soo biiray ka dib hawlgalkii 1988 ay gudaha magaalooyinka Burco iyo Hargeysa iyo weliba Cadaadlay weerarka ku qaadeen, markii Gt 50aad laga Cabaaday fadhiisimadeedii ee Magaalada iyo dusheeda (Xidhka Maydka) la isugu geeyay.

Laba dagaal oo ciidamada SNM ay ku qaadeen ururka 7aad (Balicabane) iyo Talisks Guutada 50 aad (Gumburaha) oo labaduba ay ahaayeen 1986kii ninkii ugu dambaystii ay ciidamadii cadowgu ku musnaabeen ee la soo kacay wuxu ahaa Rujiye. Waan xusuustaa labada dagaalba oo waxan ahaan Taliye Urur. Sanadkii 1988kii markii uu Rujiye ku soo biiray SNM sidii loogu diirsaday waan xusuusanahay balse marka ay dagaalka Tawaangida tahay ma ogi guul ciidamada SNM ku kasbeen tawaangi waayo mabay lahayn tawaangi. Waxa jiray mid mid ay ka qabsadeen cadowga oo inta ka bedqabtay aanay ka badnayn laba ama sadex gooro kala duwan ahaa iyo dhawr ay ciidankii Hawiyuhu kala soo goosteen cadowga laakiin ladtoodu aan aad u tamarin marka laga reebo Dagaalkii Dhedo ee Madaarka Hargeysa ka dhacay. Dagaalkaa dawaangidii nala gashay ragga waday Hawiye ayay u badnaayeen. Ragga aan aqaan ee ah geesiyadii SNM ee ku dhintay goobaha dirirta kuma jiro nin baasuuke ugu badheedhay taangi mooyee nin isagu taangi waday ama ciidankiisu ay wateen.

Intaasi waa inihii aan ka ogaa laakiin waa suurtogal in Madaxwayne Biixi oo saraakiishii SNM ka mid ahaa uu ka og yahay malaha in ka badan inta aan anigu ogahay in kastoo aanu Madaxwaynuhu qeexin guushan gaarka ugu suntan sarkaalkan.

Anigu Rujiye geesinimadiisa waan qirayaa in uu yahay taangiiste cadkiisa meel la iska dhigayna waxan bartay intii aanu SNM noqon ee Gt 50aad uu ka tirsanaa oo aan ka tirsanaa ciidamadii SNM ee ka horjeeday Gt 50aad oo ka koobnaan jirtay afar urur oo sadex ay kala deganaan jireen Salaxlay, Baligubadle, iyo Balicabane hal ururna uu Taliska Guutada (Gumburaha) la deganaa.

Hadii Halgankii Bilad Geesi la Isku Siinayo Kow waxa yeelan lahaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) laba Ibrahim Koodbuur. Kuwa nool horta qabo Ibrahim DHEGAWAYNE, waa aniga qiimayntayda. Ma diidani biladda Rujiye keliya waxan leeyahay waa laga horeeyaa. Waa intaa mana jiro sida aan filayo nin SNM ahaa oo igu diidi karaa sida aan filayo oo aan ahayne malaha Madaxwayne Muuse Biixi oo isagu kow ka dhigay Rujiye.

Qalinkii Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

 

COMMENTS
LINKS