Dawlada Jabuuti Oo Dadkii Ugu Tirada Badnaa Kusoo Daad Guraynaysa Somaliland, Xili Coronavirus Saamayn Ba,an Ku Hayo+Badqabkooda Caafimaad! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Dadkii Ugu Tirada Badnaa Kusoo Daad Guraynaysa Somaliland, Xili Coronavirus Saamayn Ba,an Ku Hayo+Badqabkooda Caafimaad!
May 6, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wararka Laga  Helayo Magaalada jabuuti ee dalka jabuuti ayaa sheegay in maalmaha soo socda boqolal qof Oo Asal ahaan kasoo jeeda Somaliland lagu soo daad gurayn doono diyaarada dalka jabuuti ee Air jabuuti lagana soo dajinayo madaarka cigaal ee caasimada hargaysa xili ay hawada somaliand iyo ta jabuutiba xidhan tahay xanuunka coronavirus awgeed,

Dadkan xukuumada DJabuuti qorshaynayso in ay usoo daad gurayso dhinaca Somaliland oo ay asal ahaan ka soo jeeda Soomalind Kuwaasi oo Maalinta bari ayaa la filayaa in Diyaarada Air Jabuti Qaybtii ugu horaysay kasoo dajiso madaarka caasimada Hargeysa, kuwaasi oo sida xogoha laga helayo qaarkood sheegayaan ay ku jiraan dad qaba xanuunka coronavirus oo la doonayo marka ay Somaliland yimaadaan in la kaaraantinimeeyo.

Dhanka kale waxaa  maalmihii udanbeeyay xuduudka somaliland la wadaagto dalka jabuuti ee lowyo cado kasoo gudbayay dad kasoo baxay dhinaca jabuuti kuwaasi oo aan caafimaadkooda la hubin taasi oo abuurtay  dareeno la xidhiidha in caafimaad qabka  Rabkaabka Diyaarada inay ku jiraan Dad Qaba xanuunka CoronaVirus. Iyo kuwa kasoo galaya xuduudkaba

Sikastaba Ha Ahaatee safiirka Somaliland ujooga dalka jabuuti oo isaga wakhtigan lagu tilmaamo in uu ka mid noqday gacan yarayaasha dalka jabuuti isagoo wax door ah ku lahayd ka hortaga qaranka uu masuulka uyahay waxyaabaha kaga soo fulaya dalka jabuuti oo isagu xiligan la daaladhacaya xanuunka coronavirus ayaa ku fashilmay shaqadii qaranku u igmaday,

Dalka jabuuti ayaa kamid ah dalalka afric ee uu sida ba,an usaameeyay kuna dhacay dad tiro badan oo reer jabuuti halka talaabada ay xiligan dadka ay kusoo daad guraynayso dhanka Somaliland ay uu umuuqda qorshe ay ku faafinayso cudurka coronavirus ee caalamka sida ba,an u hala keeyay,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS