Dawlada Iskutaga Emaraadka Carabta Oo Liiska Dalalka Ay Aqoonsatay Ku Dartay Shahaadada Waxbarasho Ee Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Iskutaga Emaraadka Carabta Oo Liiska Dalalka Ay Aqoonsatay Ku Dartay Shahaadada Waxbarasho Ee Somaliland.
May 25, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Wasaarada waxbarashada ee Dawlada  isutaga Imaaraadka Carabta ayaa shahaadada waxbarasho ee Jamhuuriyada Somaliland ku dartay liiska waddammada ay shahaadadooda Waxbarasho aqoonsantahay.

Dawlada Emaraadka Carabta ayaa sidaa ku shaacisay boga wasaarada waxbarashado ee dalkeeda taasi oo dalalka ay shahaadadooda waxbarasho ay aqoonsatay ee caalamka ay kasoo dhex muuqatay magaca jamhuuriyada Somaliland

Talaabadan ay dawlada iskuta emaraadka carabtu qaaday ayaa noqonaysa mid shacabka Somaliland guul wayn u ah iyo dhamaan ardayda reer Somaliland ee iyagu caalamka ka raadsata waxbarasho iyagoo maanta ay guul utahay in ay shahaadada waxbarasho ee jamhuuriyada Somaliland kaga qaybgalayaan deeqaha waxbarasho ee dawlada emaraadka bixiso.

 

COMMENTS
LINKS