DAAWO;-Shirkada Telesom Oo Qaadhaan Lacageed Oo ah $840,000.00 (Siddeed Boqol Iyo Afartan Kun Oo Dollar Ku Wareejisay Gudida Ka Hortaga Covid19. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Shirkada Telesom Oo Qaadhaan Lacageed Oo ah $840,000.00 (Siddeed Boqol Iyo Afartan Kun Oo Dollar Ku Wareejisay Gudida Ka Hortaga Covid19.
May 10, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta ka gudoomay Shirkada Telesom Qaadhaan lacageed oo ah $840,000.00 (Siddeed boqol iyo afartan kun oo doollar.

Lacagtani oo ah ay shirkada Telesom kaga qeyb qaadanayso qaadhaanka ka hortaga Xanuunka Covid19 ayey sheegeen inay 640,000.00(Lix boqol iyo afartan kun oo doollar) oo kamida lacagtaasi ay kusoo iibiyeen qalab, Sidoo kalena waxay Guddida ku wareejiyeen 200,000.00 (Laba boqol oo kun oo doollar) oo Jeeg ah ay ku wareejiyeen guddida.

Waxaana ka gudoomay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida ka hortaga Xanuunka Covid19 Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS