DAAWO;-Maamulka Magaalada Gabiley Oo Kharashkii Ku Bixi Jiray Xuska 18mayku Caawiyay Bulshada Beeralayda Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maamulka Magaalada Gabiley Oo Kharashkii Ku Bixi Jiray Xuska 18mayku Caawiyay Bulshada Beeralayda Ah.
May 18, 2020 - Written by Editor:

Gabiley-(W,N)- Masuuliyiinta Degmada Gabiley oo uu hor-kacayo Maayerka magaalada Gabiley Md: M-aamiin Cumar Cabdi, Maayer ku xigeenka Md: Cabdi Yuusuf Daahir , Xog-hayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Md: Mustafe Xaaji Maxamuud Cabsiiye iyo Xubno ka tirsan mudanayaasha golaha degaanka Degmada Iyo waliba Gudoomiyaha golaha Gabiley Md: Maxamed Axmed Xaaji Cismaan ayaa is wada-jir ah waxa ay u wareejiyeen 3000; Saddex kun oo Saacadood kuwaasi oo loogu tala-galey in Lagu caawiyo cida aan awoodeyn ama dadka itaal ahaan jilicsan ugu horeyna waxa lagu bilaabey beeraha qaranku uga wakiilka yahay dadka jilicdasan Ee ay dalagyadooda Hay’ada Keydka iyo ka hor-taga Aafooyinku ay gacanta ku hayso.

Dawlada Hoose iyo teamkeeda matalayey ayaa madashii ku iba-furey Barnaamijkii isla markaasina wareejiyey ugu horeyna waxa madasha daah-furey oo deexda bilaabey Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada Gabiley oo si weyn oo baaxad leh uga War-bixiyey carinta hindisaha fikradani oo ay Gole ahaan isla garteen in lagu baddalo maadaama aan laysu imanayn oo xaalad caafimaad oo Aafeysan aduunku ku jiro lana kala xidhey, Isu socodkana la hakiyey Hadaba munaasibadii ciida Qaranka 29-guuradeedii in lagu xuso mucaawinadan ayaan isla waafaqnay, Sidoo kale waxa yaguna madasha ka tiraabey hadalo Qaran oo miisaankooda iyo maqaamkooda lahaa Gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka iyo xubno Xildhibaano ah, Geesta kale Duqa iyo dhamaan Masuuliyiinta Degmada Gabiley waxa ay Dhambaal farxad iyo Hambalyo ah u direen dhamaan shucuubta Reer Somaliland munaasibada 18-ka may awgeed.

Ugu danbayntii waxa soo af-meeray hadal iyo hawshiiba Gudoomiyaha Gobalka Gabiley Md: Maxamed Axmed Xaaji Cismaan, isaga oo gaba-gabadiina ku wareejiyey Masuuliyiinta Hay’adaha beeraha ee Gobalka Gabiley si ay u anba-qaadaan hawsha qoditaanka, gudoomiyuhu waxa uu ku amaaney Masuuliyiinta Degmada gudashada waajibaadkooda sida ugu haboon waxa uu Sidoo kale farxada la qaybsadey umad-weynta Jamhuuriyada Somaliland munaasibada 18ka may awgeed, Maalintaa weyn ee Qaranka sumada iyo sawraca u ah.

Wa-Bilaahi Tawfiiq

 

COMMENTS
LINKS