|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Aqoonyahan Dhaliilo Culus Ujeediyay Xukuumada Madaxwayne Biixi.
May 24, 2020 - Written by Editor:Minneapolis(W,N) Eng Farxaan Axmed Maxamuud oo hore uga tirsanaan jiray Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, balse beryahan ah Siyaasi madax-bannaan, isla markaana deggan Degmada hennepin oo ka tirsan magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, ayaa naqdiyey Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi uu jeediyey 18-kii bishan May 2020 oo Isniintii toddobaadkii hore ahayd. Sannadkan oo 18-ka May ku buuxday 29-guurada madaxa-bannaanida Somaliland, taasoo Madaxweynuhu Warbaahinta toos ugu mariyey Dadweynaha Reer Somaliland, isla markaana kaga hadlay qodobbo kala duwan oo door ah. Hase-yeeshee, Eng. Farxaan oo aan waraysi khadka Whatsapka kula yeeshay, waxa kale oo uu ka hadlay Gaadiidka ay Dowladdu la wareegtay toddobaadyadii hakadka la geliyey Jaadka ee qaadka lagu qabtay, wada-jirka Bulshada, xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan, arrimaha adaaladda, qiimaha ay reer Somaliland u leedahay maalinta qarannimadu iyo waxyaabo uu sheegay in Xukuumadda talada haysan ka qaldanyihiin oo u baahan in la saxo iyo qodobbo kale. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO DHAMAYSTIRAN;
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|