Ciidamada Booliska Magaalada Wajaale Oo Xabsiga Utaxaabay Imaamkii Masjid Jaamacada Magaalada Wajaale! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Magaalada Wajaale Oo Xabsiga Utaxaabay Imaamkii Masjid Jaamacada Magaalada Wajaale!
May 19, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Ciidanka Booliska Degmada Tog Wajaale Ayaa caawa Cambaaro 7;30 fiidnimo Xabsiga utaxaabay Imaamkii Masjid Jaamaca Magaalada Tog Wajaale Sheikh Daa,uud.

Wararka laga helayo xadhiga imaamka masjid jaamacada ayaa sheegay In ay keentay kadib markii uu sheekhu shaaciyay in la tukanayo salaada Taraawiixda iyo Taajidka Oo xukuumadu Somaliland Iyo Gudida ka hortaga coronavirs joojiyeen Tukashadooda Xanuunka Coronavirus Awgii.

Imaamka la xidhay ayaa lagu eedeeyay in uu ka horyimid awaamiirkii xukuumada jsl iyo ka hotraga Coronavirus.

Majirto wax war oo kasoo baxay Taliyaha ciidanka booliska ee degmada tog wajaal iyo Maamulkaba oo ay faah faahin kaga bixinayaan Xadhiga imaamka masjid Jaamaca Magaalada Tog wajaale oo hada ku xidhan saldhiga magaalada wajaale.

Dhanka kale dadwayne tiro badan oo ka cadhaysay xadhiga imaamka masjid jaamaca magaalada tog wajaale ayaa iskugu soo baxay saldhiga uu ku xidhan yahay hortiisa

Wixii kasoo kordha Xadhiga imaamka masjid jaamaca magaalada Tog Wajaale kala soco wararkeena Danbe

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

COMMENTS
LINKS