“Burburka Dhaqaalaha Ee Dalka Yaa Ka Masuul Ah? Yaa Shidaalka Dalka Loo Xidhayaa?Siyaasi Xamse Khayre. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Burburka Dhaqaalaha Ee Dalka Yaa Ka Masuul Ah? Yaa Shidaalka Dalka Loo Xidhayaa?Siyaasi Xamse Khayre.
May 14, 2020 - Written by Editor:

“Waxaa dul muusanaabaya Dekedda Berbera Markab shidaal sidda. Muddo bil ( 19 April ilaa maanta) waxaa la diidan yahay inuu dekeda ku soo xidho oo laga roggo rarka saaran oo dhan ku dhaw shidaal qiimihiisu yahay $2.5 million.Markabka Sumaddiisu tahay markab shidaal oo summadiisu tahay sidan hoos ku qoran wuxuu sitaa calanka dalka Panama.

#M.T GREEN BELT (IMO: 9004621, MMSI 351358000

Kaas oo u raran shirkad Ganacsi laga leeyahay Soomaaliland waxaana shirkad lagu magacaabo #SOMPETROLEUM. Waxaa khasaara wayni ka soo gaadhay ganacsatadda oo muddadaasba lacag ku socto, shacabka oo shidaal jaban heli lahayd iyo guud ahaan dhaqaalaha JSL.

Dhaqaalaha dalka oo uu burburiyey Aaffadda COVID19 ayaa waxaa u weheliya sharci-darro baahsan iyo faro-galin qaawan oo xukuumaddu ku hayso suuqa xorta taas oo uu uga dartay xaaladda nololeed ee dalka.

Cidda wadata shidaal soo gali 48Saac ee soo socda ayaynu xogtiisa xaga dambe ka wadaagi doonaa..

Waxa se muuqaata min #Bajaajtii, #dhulkii ilaa #Maraakiibtii ganacsida dalka inay ku ururayaa gacanta shaqsiyaad kooban oo garab ka helaya xukuumada heerarkeeda hogaamineed ee u sareeya.

SIYAASI XAMSE CABDIRAXMAAN KHAYRE.

COMMENTS
LINKS