|
|||||
WAJAALE NEWS
Baaqa Dhalinyarta Iyo Fahanka Dawlad nimada!
May 22, 2020 - Written by Editor:Baaqyada dhalinyarta JSL ka soo baxayaa waa caqabado iyo dhibaatooyin jira laakiin u baahan fahanka dawladnimo. Saxeexayaashii warqada baaqu qoralkoodu waa uu saxnaa laakiin waxaan is waydiinayaa aaway dadkii xaqa ulahaa in ay cabashooyinkaa ka hadlaan? 1;Qofkasta oo warqadaa saxeexay ama cabanayaa waxa uu soo doortay xildhibaan fadhiya golaha Wakiilada JSL oo u matalaya shacabkooda, maxaa sababay in dhibta dhalinyartu sheegtay in ay ka hadlaan? 2;Axsaabtu waa halka loogu talo galay toosinta iyo dabagalka xukuumada waxii ka qaldama maadaama oo ay beri doonayaan in ay dalka xukumaan. Hadaba aaway xisbiyadii waxa qaloocan toosin lahaa? Sida aynu la wada socono, Hab-maamulka dawladeed ee JSL waxaa bud-dhig u ah RABITAAN SHACABKIISA oo si dimuqraadiyad ah u soo doorta. Siyaasigu waxa uu la joogaa waa shacabka, hadii shacabkii laga horkeeno ama saluug saami qaybsi iyo aas-aas ka maamul wanaaga dawlada ( basic principles of good governance ) sida hufnaanta dawlada, sharciga oo sareeya isla xisaabtan, sinaanta muwaadiniinta ( transparency, Rule of Law, accountability and equality of the citizens) hadii intaa la waayo waa hubaal waxaa imanaysa cabasho shacab. Maxaa keenay kacdoonka shacabka ee dalalkii waa waynaa ee GACANKA CARBEED waxaa marag ma doona hadii sadex shay la waayo in kacdoon iyo dhibi iman karto. 1;Hogaamiye han iyo himilo xambaarsan ( leadership with strong vision ) hogaamintu waxay u qaybsantaa guud ahaan laba qaybood oo waawayn
2;Wax wada lahaansho u dhexeeya umada ( Resource sharing ) dawladnimadu maaha wax qof, qolo ama shaqsiyaad ay dheefteeda iyo dhibteeda labadaba helaan laakiin waa tusaale ahaan saxan raashin ku jiro oo dhamaan dadku wada wadaagayaan.
Hadaba hadii aynu intaa habmaamulka dawlada ku dhaafno Somaliland aragtidayda waxaa ku hirdamaaya laba qaybood oo kala ah sidan:
Hadaad aaminto wax inaga dhexeeya in aad igaleeday waxa hubaal ah in aan is waydiinayo waxii inaga dhexeeyay maxuu ahaa Odhaahda qoladani waa waxii dhaqaaqaba xamar ayaa laynugu wadaa.
Talo soojeedin ku socoto qaybaha ku hirdamaya hogaaminta dalka iyo dadka
4- Dhalinyarada baaqa diraysana ha kasoo dhex muuqdaan Axsaabta siyaasiga ah oo wixii toosina halkaa ha kusoo ban dhigaan. W/Q : Khalid Cali Axmed Master of Public Administration and Management Birmigham, UK
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|