Afar Sarkaal Oo Tirsan Booliska Magaalada Minneapolis Oo La Eryey Kadib Markii La Dilay Nin Madow Ah Oon Hubaysnayn. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afar Sarkaal Oo Tirsan Booliska Magaalada Minneapolis Oo La Eryey Kadib Markii La Dilay Nin Madow Ah Oon Hubaysnayn.
May 27, 2020 - Written by Editor:

, (W,N) – Dibadbaxyo rabshado wata oo gilgilay magaalada Minnesaplis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka kadib waxa hay’adda FBI-du ay bilawday baadhitaan ku saabsan dilkaasi, iyadoo sidoo kale la eryay afar sarkaal ka dib kulan isdaba joog ahi uu dhexmaray booliska magaalada Minneapolis.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay George Floyd oo ah 46 jir Madow ah ayaa la dilay isagoo aan hubeysneyn, waxaana muuqaal la duubay uu muujinayaa mid ka mid ah Ciidamada Booliska oo gacmaha ka jeebaynaya ninka Madowga ah.

Waxaanay ciidamada FBI-ku ay sheegeen inay wali wadaan baadhitaanka dhacdadan dilka ah oo dhacday cawaysinkii Isniinta, waxaanu George Floyd ka shaqaynayey Makhaayad uu waardiye ka ahaa.

 

COMMENTS
LINKS