Abwaan Weedhsame Oo Gabay Baroor Diiq Ah Ku Cabiray Shakhsiyadii Marxuum Xasan Guure. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Weedhsame Oo Gabay Baroor Diiq Ah Ku Cabiray Shakhsiyadii Marxuum Xasan Guure.
May 16, 2020 - Written by Editor:

“Caawana Ilays Baa Ka Demay Aradkan Aan Naale.

Miyaad Aastay Xasan Guurihii Aayo-Taliskiina?Abwaan Weedhsame,

 HARGAYSA(W,N)- Abwaan xasan daahir ismaaciil weedhsame oo kamid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa gabay baroor diiq ah ka tiriyay geerida Marxuum Muj Xasan guure jaamac oo kamid ayaa shakhsiyaadka samo taliska ah Somaliland kaasi oo ah tiir wayn oo ka baxay qaranka Somaliland.

 Geeriyahay Sidii Eebadii Oofta Nagu Jiiday

Eed Ma Lihide Waxad Oofisaa Amar Ilaahaye

Naftu Way Ilmaysaa Markaad Qaaddo Oday Weyne,

Caawana Ilays Baa Ka Demay Aradkan Aan Naale.

Miyaad Aastay Xasan Guurihii Aayo-Taliskiina?

Ayaan Qudha Lamuu Aamusnaan Erey Samaaneede,

Aar Iyo xaq-sheeg Buu Ahaa Ururshe Waayeele.

Imaamkiyo Runtiyo Buu Ahaa waayo-aragiiye

Abtirsiintu May Oodi jirin Lagu Asqoobaaye

Arxan iyo Tudhaaluu Lahaa Abid An Liicayne

Eexaysi Boobkuu Necbaa Iinta Nagu Taalle.

Danta guud Intuu Oog U Shiday Tiisa ku Illawye.

Manuu Urursan Sida Aynigii Xoolo Ummadeede.

Iimaan iyo Yaqiin Buu lahaa Aad u qaro weyne.

Inkastuu Abaal Noo galoo Loona Wada Ooyey

Mar haddaan ilmadu Oolinayn Ruux Ajali Qaadi,

Allahayoow Addoon Buu Ahaa Aanu Ulanaaye

Ifkii kala dhammaadee Rabboow iilka ku ilaali.

Adigaa Abuurtaye Rabboow Eegmo Naxariisle.

Nebigii Udgoonaa Rabboow Jooji Agihiisa.

GABAYGII; Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame.

COMMENTS
LINKS