Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Gudoomiyihii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Gudoomiyihii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal.
April 30, 2020 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Ciidanka booliska gobolka awdal ayaa canbaaro suxuurtii ka hor udaatay guriga gudoomiyaha gobolka awdal ee xisbiga wadani Maxamed Adan Suldaan iyagoo utaxaabay xabsiga dhexe ee magaalada boorama

Xadhiga ay xukuumada Somaliland kula kacday gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal ayaanay wali wax faah faahin ah ka bixin maamulka gobolka awdal sobobta loo xidhay masuulkan ee wakhtiga aan munaasibka ahayn loogu daatay gurigiisa.

Xadhiga gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal ayaa laxidhiidhinayaa in uu lug ku leeyahay maayarka magaalada boorama saleebaan afar jeeble oo maalmihii udanbaysay xafiilka siyaasadeed ka dhexeeyay iyadoo hore gudoomiyaha xisbiga wadani weerar lagu qaaday lagu jajabiyay gaadhigiisii balse maamulka magaaada boorama aanay ka hadal.

WIXII FAAH FAAHIN AH EE KASOO KORDHA XADHIGA GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANI EE GOBOLKA AWDAL KALA SOCO WARARKEENA DANBE

 

COMMENTS
LINKS