|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Xoog Ciidan Kula Wareegtay Hargaysa Club Oo Mudo Sondon Sano Ah Laga Kireeyay Laba Muwaadin,
April 30, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay. Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay. Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka. Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag. Dawladdii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah.
Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Qabtay Wasiirro Ka Tirsan Maamulkii Madaxweyne Cabdi Iley Oo Si Dhuumash... 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐘𝐮𝐫𝐮𝐛 O𝐨 D𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐱𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝d𝐚 Somaliland 𝐢𝐲𝐨 Xisbiyadda 𝐦𝐮𝐜𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥... Hubka Ay Dawlada IRAN Uwaday Xuutiyiinta Yemen Oo La Sheegay In Loo Soo Gudbiyo Dhinaca Soomaaliya COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|