Waxka Baro Taarikhda Hooyada Africa!Qalinkii;Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxka Baro Taarikhda Hooyada Africa!Qalinkii;Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur.
April 7, 2020 - Written by Editor:

Dalka Nigeria, juquraafi ahaan waxa uu dhaca galbeedka Africa, waxay xudud dhuleed leeyihiin dalalka Jamhuuriyadda Benin xagga galbeed, Chad iyo Cameroon xagga bari ka xiga iyo Niger waqooyiga kaga beegan.

Xaga dhaqaalaha waa wadan leh wax soo saar, isla markaana qani ku ah Baadroolka iyo Beeraha, hase-yeeshee Bulshadiisa oo badan awgeed waxa ka jirta saboolnimo baahsan, taasoo dabaqado u kala saartay bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxa gumaystay Nigeria Ingriiska, waxayna xornimada qaateen 1960-kii, markii ay xornimada qaateen, waxa soo xukumaayey Mileteri mudo ka badan 35 sanno.

Sida uu dhigayo dastuurka dalka Nigeria 1979, Madaxweynuhuu  wuxuu leeyahay awoodaha fulinta, isagoo madax ka noqday dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, laga soo bilaabo 1994, iyada oo la raacayo Dastuurkii 1993-kii iyo dastuurka hadda jira ee 1999-kii, madaxa dawladda iyo xukuumadda waxaa loogu yeedhaa Madaxweynaha.

Guud ahaan tiradada dadka ee dalka Nigeria waxa lagu qiyaasa ku dhowaad 200, oo Milyan. Waxa lagaga hadlaa in ka badan 250, luuqadood. qowmiyadaha ugu caansan siyaasad ahaan iyo saameyn, waxaa ka mid ah Hausa,Fulani 29%, Yoruba 21%, Igbo (Ibo) 18%, Ijaw 10%, Kanuri 4%, Ibibio 3.5%, Tiv 2.5%. Luuqada ugu caansan ee bulshadu wadaagtaa waa Hausa iyo Ingiriisada. Waxa kaloo jira luuqado kaloo aan si wey n loogu hadal kuwasoo tisqaadkoodu ku kooban yahay deeganada ka baxsan Magaalooyinka sida Miiga.

Dalka Nigeria waxa ka jirta Xukuumad Federal ah, waxayna leedahay 36 Gobol oo nidaam maamul dawladeedyo iyo hal Magaalo oo federaali ah, taaso ah Casimada Nigeria waxana lagu magacaabaa (Abuja).

Tirada maamul gole deegaan ama dawlada hoose ee Nigeria waxa weeye 774, wuxuu ka kooban yahay 36 ( gobol ) iyo caasimado ay leeyihiin 774 degmo oo dowlad hoose ah (LGAs). Degmo kasta oo dawlada hoose ah waxaa maamula gole Dawladaha Hoose oo uu madax u yahay gudoomiye waaxda fulinta ee LGA, iyo xubno kale oo la soo doorto kuwaasoo u adeega gole deegaan ahaan.

Dhinaca kale, dadka Nigeria %60, waa Islaam, %40-na waa Kiristan iyo dad aan diin haysan. La soco qaybta Dambe.

Qalinkii Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur

Nigeria Kano State.

Tel: +234 705 389 8528

Eimal. C.casiis98@hotmail.com

COMMENTS
LINKS