“Waxa Ilaahay Inagu Simey 19Sano Ka Dib Madaxwayne Biixi Iyo Gudoomiye Saleebaan Oo Aragtidii Ay Qabeen Mid Ka Duwan Aaminsan, Salaadiintana…” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Ilaahay Inagu Simey 19Sano Ka Dib Madaxwayne Biixi Iyo Gudoomiye Saleebaan Oo Aragtidii Ay Qabeen Mid Ka Duwan Aaminsan, Salaadiintana…”
April 10, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Shirkii Ergada Beelaha Somaliland isugu yimaadeen ee lagu qabtay caasimada jamhuuriyada ee Hargeisa sanadkii 1997 kii oo lagu dooranayey Madaxwaynaha Somaliland iyo labada gole baarlamaan ee wakiilada iyo Guurtida , waa shirka golaha guurtida Somaliland ee maanta jooga lagu soo doortay ayaa waxa Madaxwaynaha ku tartamay Madaxwayne Muxamed Ibrahim Cigaal, Saleebaan Maxamuud Aaden iyo Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxaa shirkaasi mar labaad dib loogu doortay in uu qaranka jamhuuriyada Somaliland hogaamiyo Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal Alle ha u naxariisto e , khudbadii uu halkaa ka jeediyey Saleebaan Maxamuud Aden ayaa waxa aan ka xasuustaa Madaxwayne intii kuu codeysay iyo intii kaa codeysayba maanta adiga ayaa Madaxwayne u ah , se mid baan ka digayaa oo ah in intani oo kale ay qol dhexdii wax ku doorato mardambe waxaana aan soo jeedinayaa in rabitaanka shacabka loo gudbo oo codkooda lagu kala baxo.

Dabayaaqadii xili doorasheedkii Madaxwayne Cigaal Alle ha u naxariisto e ayaa waxa uu hirgaliyey in uu sameeyo dastuur qaran oo sheegaya in shacabka Somaliland ay awooda wax doorashada iyagu leeyihiin isla markaana ay codkooda ku dooran doonaan cida ay rabaan, sidaasi oo kalena dalka jamhuuriyada Somaliland u guurey nidaamka axsaabta badan oo laga soo gudbay nidaamkii shirbeeleedka.

Xiligaasi waxa jiray mucaarad xoog badan oo ku midoobay ururkii ASAD oo uu hogaaminayo Saleebaan Maxamuud Aaden iyo ururkii SAHAN ee iyaguna ahaa siyaasiyiin wada miisaan leh , sidaasi oo kale waxa jiray dad kale oo badan oo mucaarad ahaa waxaana ay ahayd xiliyada la xasuusto ee mucaaradadihii ugu adkaa Somaliland soo martay.

Haddaba marka aad eegto qaabka uu Madaxwayne Cigaal dadka iyo dalka isugu duba ritay isla markaana hadii uu doorasho dadwayne galo aan lagula tartami karayn ayaa salaadiin badani Burco isku urursatay isaga oo hore ay Burco xarun ugu ahayd mucaaradkii xukuumadii Madaxwayne Cigaal oo uu ururka ASAD ugu tunweynaa maadaama ay u badnaayeen mujahidiintii dalka u soo halgantay iyo siyaasiyiin ruugcadaa ahi.

Waxa la istusay in aan Maxamed Ibrahim Cigaal doorasho dadwayne lalagali karayn, isla markaana ay suurtagal tahay in aanu shirbeeleed mar sadexaad ku soo bixi karayn ee la yidhaahdo sidii lagugu soo doortay ayuu dalku ku soconayaa iyo shirbeeleedkii , adigu salaadiintii waxa ay yimaadeen Hargeisa iyaga oo la filayey in ay xukuumadu la kulanto ayaa lagu weeraray hotel ku yaal xaafada New Hargeisa oo dhawr ka mid ah la xidh-xidhay, intii kalena waxa gogol u dhigay suldaan Barre oo gurigiisa ayey joogeen ku dhow garoonka weyn ee kubada cagta ee Hargeisa stadium, halkaasi oo lagu weeraray ciidmada qaranka iyaguna ay is difaac galeen.

Xiligaasi waxa gudoomiyaha Guurtida Somaliland ahaa Alle ha u naxariisto Sheekh Ibrahim Sheekh yuusuf Sheekh Madar oo ergo ka galay arinkaasi Maxamed Ibrahim Cigaal iyo xukuumadiisana ku canaantay in ay ceeb tahay in salaadiin dhaqan loo adeegsado ciidamadii qaranka Somaliland, inta igu maqaalo ah hadalkii sheekhu ku yidhi Cigaal waxa ka mid ahaa ” Adigu miyaanad odhan salaadiintu Waa golaha dalka ugu sareeya ”

Xiligaasi waxa si adag uga hadlay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo ahaa mucaarad isla markaana ina Cigaal u cadheysnaa, waxyaabihii uu ku dhaliilayey na maanta ay xukuumadiisa ka wada muuqdaan oo aynu odhan karno waxa u hadhay uun in uu ciidamo ku weeraro salaadiinta oo uu jeelasha ku soo guro, waxaana ay ila tahay in gudoomiye iyo guurti ka qabataana maanta aanay muuqan.

Hadalada sheekha iyo gudidii dhex gashay salaadiinta iyo Madaxwayne Cigaal waxii arinkaasi ka soo noqday ayaa uu Madaxwayne Cigaal sheegay in uu is casilayo oo u ekaaday in aanu ku qancin taasi oo ardayda iyo dadweynaha ay kaadiriintii xukuumada ee xiligaasi ka dalbadeen in la mudaharaado oo la isku soo baxo oo salaadiinta lagu mudaharaado dugsiyadana nalaga soo kaxeeyey oo mudaharaadada nala galiyey.

Ma duugowdo taariikdu maanta Waa Muuse Biixi iyo Saleebaan Maxamuud Aden oo duraya salaadiinta hadashay iyo kuwii shirkii Burco ka hadlay isla markaana u haysta in ay taladii ku soo faragaliyeen halkii ay xiligaasi labaduba salaadiinta iyo arinka ay wataan taageersnayaayeen.

#GurigaJoog #FaroxaloNadafadailaali

QALINKIIN; Muxamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS