Wasiirka Maaliyada Jsl Oo Xilka Qaadis,Magacaabis Iyo Badal Ku Sameeyay Maamulayaashii Kastamada Berbera Iyo Kalabaydh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Jsl Oo Xilka Qaadis,Magacaabis Iyo Badal Ku Sameeyay Maamulayaashii Kastamada Berbera Iyo Kalabaydh.
April 27, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada somaliland Sacad Cali Shire ayaa xilka qaadis iyo badal ku sameeyay Maamulayaashii kastamada berbera iyo kalabaydh.

Wasiirka maaliyada ayaa xilkii ka qaaday maamulihii Cabdiraxmaan ciro iyo Maamule kuxigeenkii Maxamed Ismaaciil Orgabsaynle iyo madaxii hubinta ee kastamka berbera isagoo masuuliiyiin Cusubna Umagacaabay Maamulka Kastamka Berbera ,Maamule kuxigeenka iyo madaxii hubintaba.

Sidoo kale wasiir sacad Ayaa badal ku sameeyay maamulihii kastamka kalabaydh Maxamed Habane Oo uu Umagacaabay Maamulaha Kastamka Berbera Halka Uu Maamule Kuxigeenka cusubna iyo madaxaha hubintana umagacaabay kastamka berbera wasiirka maaliyadu.

Dhanka kale  wasiirka maaliyada ayaa maamulaha kastamka kalabaydh  Umacabaay masuul katirsanaa waaxda cashuuraha bariga Ee Wasaarada maaliyada oo lagu magacaabo cawaale in uu noqdo maamulaha kastamka kalabaydh.

Arinta magacaabista iyo xilka qaadiska kastamka berbera ayaa ku soo beegmaysa xili kastamka berbera lagu qabtay koontinar Mobile ah oo lagu cashuuray sonkor ahaan taasi oo Baadhitaankeedu socday islamarkaana  falka musuq maasuq ee Dhacay kastamka berbera lala xidhiidhinayay masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada maaliyadu in ay qayb ka yihiin taasi oo Wasiirka wasaarada maaliyadu sidii uu hore warbaahinta uga Sheegay Talaabo laga qaadi doono cida ay gasho silsilada Musuq Maasuq ee dhacday kastamka berbera,balse hada uu xilka qaadista maamulkii kastamka berbera kusoo koobay balan qaadkiisii ee ahaa in wax laga qaban doono cidkasta oo ay gasho dhacdada kastamka berberi.

Talaabada uu wasiirka maaliyadu ku badalay masuuliyiintii kastamka berbera ayaa umuuqata mid lagu dambabasayo xaqiiqada rasmiga ee ee falkii ka dhacay kastamka taasi oo wakhtigan umuuqata in wasiir sacad cali shire oo lagu eedeeyo in aanu wax saamaynta ah ku lahayn hawlaha ka socda wasaarada maaliyadu,

wallow wasiir sacad  xilka qaadista maamulkii hore ee kastamka berbera lagu macneeyay mid uu wasiirka kaga  raadgadanayo falka musuq maasuq ee dhacay kastamka berbera isagoo si badheedh ah u baal maray in talaabo laga qaado cida leh masuliyada musuq maasuq ee kastamka berbera islamarkaana uu uxagliyay Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Mr Gurxan oo xidhiidh toos ah ku lahaa wax isabada marinta kastamka berbera iyo qaarkale oo kamid ah kastamada cashuuraha ee dalka taasi oo xilka qaadista maamulkii kastamka berberi aanay dawo unoqonayn silsiladaha musuq maasuqa ee ka jira kastamada cashuuraha Somaliland .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE’

COMMENTS
LINKS