“Wadaadada Wahaabiyiinta Oo Iyagu Xaaraameeyayba Qaadka, Hadii Uu Run Ka Yahay Dagaalkiisu Ha Loo Wada Joogo Kaalinta Ay Ka Qaataan Joojinta Qaadka”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wadaadada Wahaabiyiinta Oo Iyagu Xaaraameeyayba Qaadka, Hadii Uu Run Ka Yahay Dagaalkiisu Ha Loo Wada Joogo Kaalinta Ay Ka Qaataan Joojinta Qaadka”Cali Guray.
April 25, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamid ah haldoorka reer Somaliland ee badi ka hadla xaaladaha taagan ee dalka ayaa dareen celiyay go,aanka ay xukuumada Somaliland ku joojisay qaadka isagoo fariin culus udiray wadaada reer Somaliland ee ku ololeeya in la joojiyo qaadka

Dhanka kale siyaasi cali guray ayaa wadaada ayaa su,aal galiyay dagaal ay wadaadadu ka qaataan qaad joojinta oo u baahan dhaqaale xoogan iyo ciidamo ka hawlgala xuduuda Somaliland la leedahay itoobiya oo aad dheer

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“WADAADOW LAGU FASAX EE AFAR KUB OO LABA XAAD LEEDAHAY YAAN LAGAA WAAYIN, HADII JAADKU XAARAAN AHAA JANNAA KUU DAGATAYE.

HADII KALE SE GOOLAAFTANKIYO QAYLADIYO GOOHA IGA DAAYA

Dawladdu waxay lahayd amarka oo way bixisay amarkii in qaadka la joojiyay. Ganacsatada jaadkuna waxay lahaayeen aqbalaadda oo way aqbaleen. Haddaba wadaaddadii inta badan ku taamayay joojinta qaadka ee wahaabiyiinta ahi waa kuwii gaadhsiiyay xaaraanta eh waxan leeyahay waa idiin fursad dahabi ah COVID-19. Mar hadii dawladdu ay go’aankii joojinta qaadka soo saartay hawsha dagaalka qaadka waxa looga fadhiyaa inay iyagu ka noqdaan waranka caaradiis.

Dawladdu waxay ugu badheedhay inay lumiso cashuurtii ka soo geli jirtay kastamka Kala Baydhka oo ahaa dakhliga ugu badnaa ee maalin walba uga soo xeroon jiray marka laga reebo Kastamka Berbera. Marka laga tago kuwa soo dejin jiray dad badan oo danley ah oo iibin jiray ayaa iyaguna jira kuwaas oo Ilaahay xaalkooda ogyahay risiqoodana hayo halka uu u soo marinayo-na isagu og.

Waxaas oo dhan haddii ay dawladda ugu badheedhay wadaadada wahaabiyiinta oo bulshada inta ugu haynta roon ah maxaa la gudboon?

Si loo xidho xuduudaha uu ka soo geli karo qaadku oo qiyaastii ku dhaw 1000KM hawlgalka lagu xidhi karo si aanay dheg jaad ahi uga soo gelin wuxu u baahan yahay awood ka badan inta ay kari karto xukuumaddu. Marka ugu horaysa kharashka hawlgalka (operation cost) joojinta qaadka waa inay wadaaddadu ay dusha u ritaan, waayo xiligan adag ka hortagga faafista COVID-19 wuxu leeyahay dhinacyo badan oo dhinac waliba uu baahidiisa yeelanayo (maal iyo muruq iyo maskax), dagaalka qaadkuna wuxu qayb uun ka yahay ololaha balaadhan ee ka hor tagga. faafista COVID-19.

Hadaba wadaaddada wahaabiyiinta oo iyagu xaaraameeyayba qaadka hadii uu run ka yahay dagaalkiisu ha loo wada joogo kaalinta ay ka qaataan dagaalka joojinta qaadka.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

 

COMMENTS
LINKS