Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya Oo Ka Hadlay Laba Qof Oo Ciidanku Caawa Ku Dileen Magaalada Muqdisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya Oo Ka Hadlay Laba Qof Oo Ciidanku Caawa Ku Dileen Magaalada Muqdisho.
April 24, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)- Askari katirsan ciidanka Booliska Ee saldhiga degmada Boondheere ayaa caawa fiidkii laba qof ku dilay degmada, waxaana dilkaasi ka dhashay   banaanbax ay dhigeen dad ka gadoodsan dilka.

Banaan baxayaasha ayaa xidhay qaar kamid ah isgoosyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana la’arkayay ayagoo taayaro ku gubayo isgooska Jubba ee muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa rasaas u adeegsaday banaan baxayaasha si ay u kala eryaan, kuwaasi oo xoog ku kala dareeriyay dadkii isku soo baxay

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi  Xasan Xijaar ayaa ka hadlay dilka ay ciidamada boolisku ugaysteen laba qof ee shacabka ah isagoo  sheegay in la xidhay askarigii dilka geystay, isagoo dadka shacabka ugu baaqay in ay isdajiyaan.

Dilkan ayaa ka dhashay Bandoowga  lagu soo  rogay magaalada muqdisho oo ka bilowday 7-dii fiidnimo kaasi oo dilka labada qof oo ku dhashay muran dhexmaray  askariga iyo dhalinyaro kooban, waxaana kadib markii askarigu uu dhalinyaradan  ku amray inay xaroodaan, waxaana intaa kadib dhacay falka dilka ah. Sidaas waxaa xaqiijiyay goobjoogayaal.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MUDAHARADKA GILGILAY MUQDISHO;

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE

COMMENTS
LINKS