|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaan Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Ka Hadlay Arimo Cusub Iyo Dadaalada Loogu Jira Ka Hortaga Covid19.
April 19, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N) – Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa Bulshada uga digay halista xanuunka Coronavirus, waxaanu ugu baaqay inaan la dhayalsan ee lagu dedaalo sidii looga hor-tagi lahaa. Suldaanka Guud ee Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xanuunka Coronavirus maaha xanuun sahlan oo la dhayalsan karo, mana ah xanuun caadiya, ee waa xanuun aafo ah, oo aynu aragno sida uu Adduunkii u kala xidhay, ee dhayalsiga iyo dayaacadda ha la iska ilaaliyo, oo aad ha looga digtoonado Coronavirus, oo wacyigelinta ay Xukuumaddu wada dadku ha qaatan, ka hor tagista ayaana ka wanaagsan daawaynta, ee ha la dignoodo wax kasta oo fududayn kara in xanuunkani ku fidi karo, Xukuumaddu aad u dadaasho, oo wacyigelinta yaanay kala jarin mar qudha, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu inaga badbaadiyo xanuunkan”. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay bisha Ramadaan, waxaanu ku taliyey in la badiyo cibaada iyo ALLE ka cabsiga, waxaanu soo jeediyey in dadka danyarta ah wax la taro, oo loo gargaaro, sadaqadana la badiyo.
Related posts:War-saxaafadeed - Guddoomiyaha KULMIYE oo Baaq nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu ku D... DAAWO;-Muj Cismaan Awrliqe Oo Ka Waramay Guda Galkii Hargaysa, Shacabka Reer Somaliland Ugu Baaqay I... “Sanad Walba Dekedda Waxaynu Ka Qaadanaa kiro $ 5 Milyan ah, Sanadkana Kuma Jirto Miisaaniyada Oo Ho... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|