Siyaasi Cali Guray Oo Ka Dareen Celiyay Hadalo Kasoo Yeedhay Qaarkamid Ah Madaxda Dhaqanka Somaliland Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Ka Dareen Celiyay Hadalo Kasoo Yeedhay Qaarkamid Ah Madaxda Dhaqanka Somaliland Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliya!
April 3, 2020 - Written by Editor:

“Ha La Yaabin Salaadiintu Waxay Ka mid Yihiin, Dadka Asqada Siyaasadda Ku Jira Uun Ee  Somaliland”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali guray) oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka faalooda arimaha taagan ayaa dareen celiyay hadalo maalmihii udanbeeyay kasoo yeedhay qaarkamid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo dalbanayay ka madax dhaqameed ahaa in ay ka qaybgalayaan hadalada Somaliland iyo somaliya oo wakhtigan taagan Isagoo arinkooda ku tilmaamay in ay shacabka uun kala mid yihiin asqow siyaasadeed oo ay ku jiraan.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa ka hadlay xaalada dhabta ee somaliya ka taagan iyo xogla aanta madaxda hogaamise ee xaqiiqada wixii ka dhacay somaliya.

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

 Somaliland: Walee Maddane Ayaa Dab Ugu Jira!

Ninkii Hadlayaaba ha iska hadlo e marka ay tahay masiirka Somaliland ugu dambaysta cidda keliya ee ay wax ka go’aan Waa Dadka Somaliland oo iyagu xaq u leh in ay go’aankooda ku cadeeyaan afti ay goob-joog ka tahay bulshada caalamku natiijadeedana lagu wada qasban yahay in loo wada hogaansamo. Muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland hal cod Oo keliya ayuu xaq u leeyahay min Madaxwayne ilaa inanta Adhijirta ah; qofna qof caaro ma dheera. Dhinaca Somalia haddii uu mawqifkoodu noqon lahaa “waanu ogolahay xaqa ay walaalahayo Somaliland u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan laakiin kuma qanacsanin in gooni-isu-taagga ama goosashadu ay tahay wax ay u dhan yihiin ama xataa intooda badani ay isku raacsan yihiin, sidaa daraadeed waxa loo baahan yahay in laga qaado afti ay qaramada midoobay iyo bulshada caalamku goobjoog u yihiin” sax bay noqon lahayd. Dawladda Somaliland ma waxay odhan kari lahayd laga qaadi maayo afti dadwayne iyada oo tan iyo 1991kii mawqifka Somaliland uu ahaa “cidda keliya ee leh go’aanka masiirka Somaliland waa dadka ee maaha madaxwayne, xukuumad, iyo baarlamaan midna” maya may odhan karteen.

Laakiin sua’aashu waxay tahay Dawladda Somalia halkaa ma gaadhi kartaa oo ma ogolaan kartaa in Somaliland laga qaado afti dadwayne? Ilaa hadda waa maya. Sababo dhawr ah ayaa jira oo loo nisbayn karo. Kow Somalia oo aan runtii lahayn dawlad dhexe oo ka talisa dalka tan iyo intii ka dambaysay burburkii Somalia. Laba madaxda Somalia oo aan ahayn siyaasiyiin bisil, xogogaal ah, ka dheregsan wixii la isla soo maray iyo taariikhda siyaasadda ee soomaalidaba guud ahaan. Somalia dadka madaxda ka noqdaana waa shakhsiyaad aan Markaa wax badan ogayn ee kuraasida uu ku loolama inta Badanna qurbojoog ahaa oo midba inta uu muddo ku Maxaabsado ka faro qabsada dabeed marka mid waliba uu Muddo xileedkiisu dhamaado baasaaboorkii dalka uu qaatay jinsiyadiisa dib ugu noqda. Marka ay sidaa tahay siyaasiyiinta Somalia ee indhoolayaasha ahi ma hayaan wax ay ka iibin karaan dadka Somaliland oo ay ku qancin karaan inay u Dhaanto goon-isu-taaga ay kaga dhegtay. Runtiina kagamay dhegin ee waxa aanay arkayn wax u dhaama oo ay ku doorsan karaan. Dadka Somaliland way arkayeen in Somalia ay ku fashilantay dhismaha nidaam is xukun (dawladeed) oo bal marka hore Somalia maanulkeeda gacanta ku wada dhiga Somaliland haba joogto eh. Waxay ogyihiin xaaladaha nabadgeyo darro 29kii sanadood ee ugu dambeeyay ka jirtay. Waxay ogyihiin in muddadii ugu dheerayd dawladihii kala dambeeyay ee ka jiray Somalia ay ahaayeen kuwo loo sameeyo ee aanay iyagu samaysanin. Arimahaas oo dhan marka ay ogyihiin dadka Somaliland saw xaalku noqon maayo ninka aad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eega?

Hadaba aniga oo aan jeclayn in aan faahfaahin badan ka bixiyo hadana waxan qabaa in wax isbedelay ay jiraan. Dhinaca Somaliland waxa la moodaa in dadka badankiisa uu ka lunsan yahay itijaahi oo runtii ay galeen mugdi ama asqo siyaasadeed oo waxa isu qaban kari la higsigoodii iyo xaaladda siyaasadda gudo iyo dibadba. Markaa ha la yaabin salaadiintu waxay ka mid yihiin dadka asqada siyaasadda ku jira uun ah.

Dhinaca Somalia beryan dambe olole siyaasadeed iyo diblamaasiyadeed oo xooggan ayay wadeen guulo ay ka gaadheena, haba yaraadaan eh way jireen. Intii doorashadu kaabiga soo saartayse xaaladda Somalia lafteedu waxay yeelan kartaa baqaheeda. Hadii ay badbaadaan dagaalo sokeeye oo hor leh oo ay si nabadgeliyo ah doorashado, qaabka ay doontoba ha ugu qabsoonto eh ay qabsoonto natiijaduna noqoto mid la isla ogolaado wallee Somaliland maddane ayaa dab ugu jira hadii inta ay goori goor tahay aan xaaladda sidan wax iska bedelin.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caligurey)

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
LINKS