|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda DHAWEEYE oo Daahfurtay Adeeg Cusub oo Bulshada u Sahlaya inay Cunto Dalbadaan iyagoo Guryahooda Jooga.
April 23, 2020 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Shirkadda Dhaweeye, ayaa maanta daah-furay Adeeg Cusub oo ay ku soo kordhiyeen adeegyada ay Bulshada u qabtaan, waxaanu adeeggani suurta-galinayaa in qofku isagoo Telefoonkiisa isticmaalaya si fudud u dalban karo Cuntada uu u baahan yahay oo loogu geynayo Gurigiisa ama goobtiisa ganacsi. Shirkadda Dhaweeye oo ka hawl-gasha inta badan magaalooyinka waaweyn ee Geeska Afrika, ayaa noqotay hormuudka shirkadaha bixiya Adeegga Isku-xidhka gaadiidka dadweynaha gaar ahaan tagaasida iyo Bulshada, iyadoo qofku barnaamijka shirkadda oo Qaab Online ah ama telefoonkiisa gacanta ee Telesom ka dalbadan karo tagsi qaada oo geynaya goobta uu u baahan yahay.
Guddoomiyaha Shirkadda Dhaweeye Cabdiqani Axmed Maxamuud ayaa sharraxaad ka bixiyey muhiimadda uu leeyahay adeegga shirkaddu soo kordhisay iyo doorka uu ka qaadan karo baahiyaha kala duwan ee Bulshada dhexdeeda ka jira Xaaladda xilligan ee saamaynta xannuunka Covid-19 awgeed.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu sheegay in Adeegga cusub ee ay soo kordhiyeen ka qayb-qaadan doono Shaqo-abuurka xaaladda xilligan lagu gudo jiro, waxaanu yidhi, “Adeeggani wuu ka shaqaynayaa meel kasta oo laga isticmaalo Dhaweeye, wuxuu ka qayb-qaadanayaa shaqo-abuurka, wuxuu ka qayb-qaadanayaa dadkii oo hadda kala xidhan oo u baahan cid u adeego qof kastaa isagoo gurigiisa jooga ama goobtiisa shaqo inuu ka dalbado cunto.” Madaxa Suuq-geynta shirkadda Dhaweeye, Farax Dayax-weerar, oo iyaduna hadal ka jeedisay munaasibadda shirkaddu ku soo bandhigtay Adeeggan Cusub, ayaa faahfaahiyey sababaha ku dhiirri-geliyey inay shirkad ahaan soo kordhiyaan adeeggan, iyadoo sheegtay in adeeggani Qofka u Sahlayo inuu cunto ka dalbado Hoteelka doonayo isla markaana Gurigiiga ama goobtiisa Shaqo loogu geynayo sida ugu dhakhsaha badan.
Waxa kale oo munaasibada ka hadlay qaar ka mid Maamulka Hoteellada Waaweyn ee magaalada Hargeysa oo soo dhaweeyey Adeeggan Cusub oo ay ku tilmaameen mid wax weyn ka tari doona Baahida Bulshada xaaladda xilligan lagu jiro.
Maamulaha Hotel Maamuus ee magaalada Hargeysa, Saleebaan Cabdilaahi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey adeegga shirkaddu soo kordhisay oo uu xusay inuu ku soo beegmay wakhti baahi weyn loo qabo.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|