Shirkada Isku Socodka Iyo Alaabooyinka Ee Sahal Oo Adeegyo Cusub Usoo Kordhisay Macaamiisheeda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Isku Socodka Iyo Alaabooyinka Ee Sahal Oo Adeegyo Cusub Usoo Kordhisay Macaamiisheeda.
April 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Shirkada Sahal Transport And Logistics oo kamid ah shirkadaha ugu waawayn ee u kala safra gobolada Somaliland iyo Alaabooyinka ayaa bulshada reer somaliland iyo macaamiisha shirkada usoo kordhisay adeegyo cusub oo Alaabooyinka Loogu Gaynayo Halka ay Joogaan.

Adeegyada Cusub ee Shirkada sahal   soo kordhisay ayaa ah gaadiiidka mootooyinka  oo macaamiisha adeegyada ay ubaahan yihiin iyo in guryaha ay dadka ugu geeyaan alaabooyinka loosoo diro.

Adeegan ay shirkada sahal soo kordhisay ayaa macaamiisheeda ka caawin doonta in ay ka nastaan in ay tagaan xafiiska shirkada taasi oo loogu badalay in waxyaabaha ay dalbadaan guryahooga loogu keeni doono.

Sidoo kale Shirkada Sahal Transport And Logistics Oo kamid ah Shirkada Kaliya ee  Hirgalisay awaamiirtii wasaarada gaadiidka ee xawaaraha gaadiidka lagu dhimayay lagu lana soconayay taasi Oo shirkadu Tusaale ugu noqotay shirkadaha kale ee u kala socdaalka gobolada Somaliland ayaa shacabka u kala safra gobolada Somaliland ku bogaadiyeen gaadiidkeeda oo ah kuwo habaysan islamarkaana dhamaan leh adeegyadii ay shacabku ubaahnaayeen inta ay ku jiraan safarka oo, Acga ,Internet iyo Wadayaasha Gaadiidka ah oo  kuwo la hubiyay masuuliyadooda ayaa dhanka kale hormuud ku ah alaabooyinka ay dadku isku diraan ee kala duwan ay dadka ugaadhsiiyaan qaab sugan oo aamin ah.

Wajaalenews desk

Hargaysa Office.

COMMENTS
LINKS