Raysal-Wasaaraha Somaliya Oo La Sheegay In Karantiin La Galiyay Kadib Markii Laba Dhakhtar Oo La Taliye U Ahaa Looga Shakiyay Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-Wasaaraha Somaliya Oo La Sheegay In Karantiin La Galiyay Kadib Markii Laba Dhakhtar Oo La Taliye U Ahaa Looga Shakiyay Coronavirus.
April 8, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Raysal Wasaaraha somaliya Xasan Cali Khayre Ayaa la sheegay In karantiin la galiyay kadib Markii laba Dhakhtar Oo Arimaha coronavirus kala taliyay Looga Shakiyay In Ay Calaamadaha  Xanuunka Coronavirus.

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho iyo xaalada Caafimaad Ee Raysalwasaare Xasan Cali khayre ayaa sheegay in caawa raysal-wasaaraha la galiyay karantiin si loo hubiyo Badqabkiisa Caafimaad Ee Caabuqa Coronavirus,Iyadoo sigaar loogu karantinimeeyay Gurigiisa,

Sidoo kale Xogaha laga helayo Magaalada muqdisho ayaa intaa ku daraya shakiyo badan oo la xidhiidha coronavirus In ay soo Baxeen Labadii Maalmood ee ugu danbeeyay iyadoo dad Xanuunkaasi laga helay ay kulamo badan lasameeyeen madaxda dalka somaliya, wallow aan wali sicad loo xaqiijin Shakhsiyaadka hada lagu baadhitaanka in lee yihiin calaamadaha lagu garto qofka uu asiibay caabuqa coronavirus. oo aduunka si xawli ah ugu faafaya islamarkaana haleelay madax badan oo kamid hogaamiyayaasha caalamka

Raysal Wasaaraha dalka britian ayaa kamid ah madaxda uu haleeyay xanuunka coronavirus oo xaaladiisa caafimaad lagu tacaalayo cisbitaal ku yaala magaalada London.

Wxii ksoo kordha Warka raysal wasaaraha somaliya Iyo Karantiinka lagaliyay kala soco Wararkeena Danbe.

Wajaalenews Desk

Muqdisho Office

Email;Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS