|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarax Miino Oo Ka Dhacay Magaalada Mudisho Oo Lagu Dilay Sarkaal Katirsanaa Ciidanka Milatariga Somaaliya.
April 1, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)- Qarax miino oo k adhacay magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu dilay G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan oo ka dhacay inta udhaxaysa Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer Ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa waxyeelo ay kasoo gaadhay qaar kamid ah ciiddanka ilaalada sarkaalka la dilay oo la socday gaadhi tikniko ah ee uu qaraxu haleelay. Al-shabaab ayaa waxay sheegeen inay weerarkan ku dileen sarkaalka iyo afar kamid ah ilaaladiisa, balse warar kale oo aan helnay waxay sheegayaan in dhimashadu tahay sarkaalka iyo hal askari. WAJAALENEWS DESK MUQDISHO OFFICE. Related posts:Eng Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Haddii Doorashada Madaxtooyada Xukuumadu Qaban Waydo Inaaney Jiri... Boqor Buur Madow Oo Si Adag Uga Hadlay Sarkaal Lagu Dilay Laascanood, Xukuumada Madaxwayne Biixi Ku ... DAAWO;“Maanta Waxay Ahayd Oo Nacasnimo Nagu Ah, In Axmed Mire Ka Maqnaado Munaasibadan”Madaxwayne Bi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|