|
|||||
WAJAALE NEWS
“Qarankani Cid Buu Doortay, Hawl Walba Cid Buu u Doortay, Madaxweynaha Iyo Ciddii Uu Talo Moodo Ayaa Qarankan Wax U Tidhaahda”Gudoomiye Saleebaan.
April 9, 2020 - Written by Editor:Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,” Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku hawlan, waxana uu caddeeyey wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay, “Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan. HALKAN KA DAAWO MUQAALKA WARKAN; Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|