|
|||||
WAJAALE NEWS
Qadiyadda Somaliland Kuma Xidhna In Abiy Ahmed Yidhaahdo Farmaajo Iyo Kheyre Hala Isku Badelo, Ee Waxey Ku Xidhan Tahey Inuu U Sheego Tanaasulkii Ay Elatariya U Sameeyeen!
April 4, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Inkastoo Aduunyadda oo dhan Gaal iyo Islaam iyo Kuwii Awoodaha Sheegtayba, Illaahay Tusey Itaalkooda oo Qolyihii Quwadaha Aduunka isku Tilmaamey Nin Waliba qol hoosta kasoo xidhay haddana Soomaali Itaalkeeda iyo Arinkeeduba Wuxuu dhaafi Waayay Xin iyo Xaasid ay xataa Xanuunkaa Dhengaddii Gaalada ah Qaramadda midoobay gacamaha ku hoorsanayaan Xaqiiqdii halkaasaa ka liidata qol madhan oo aan Waligii Talaabo hore u qaadaynin. Haddaan Usoo Noqdo Dulucdda Nuxurka Qormaddan Waxaa Maalmahan soo baxaya Wararka Sheegaya in Raysal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida uu Qorey Wargeyska Geeska Afrika uu haddana Mar la baad doonayo qorshayaashiisii ay Wada gaadheen Madaxda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaana Farmaajo iyo Kheyre oo ah in Madaxweyne Farmaajo laga badelo mawduucii Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu badelo Raysal-Wasaare Xasan Cali Kheyre Runtii Qadiyadda Somaliland kuma Xidhna in Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Yidhaahdo Farmaajo iyo hala isku badelo Kheyre ee hadii ay Daacad ka Yihiin in uu Abaaro oo dhexdhexaadin ka galo Wadahadal Dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya Waxey aheyd in uu Saaxiibadii u Sheego in aaney Indhaha ka qarsan Qadiyadda, jiritaanka,halganka,iyo Dawladnimada Somaliland tahey lasoo noqotey oo ay u tanaasulaan Sidii ay Dawllada Elatariya Geesinimadii Males-Zanawi Ku xaqiijiyay Madaxbanaanideeda iyo halgankeedii mudada dheer Raysal-Wasaarihii Geeriyooday iyo tii u Dambeysay ee isaga Abiy Ahmed uu kaga Kacey dhulkii Boqolaalka Kun ee Ciidamada ahi ku Dhinteen kuna tanaasuley. Sikasta oo arintaasi ay qolyaha Soomaaliya Xaqiiqda uga kaxaynayaan Somaliland Marnaba Xaqeeda ku Waayi mayso haasaawaha iyaga iyo Abiy Riyooyinka u Noqdey haseyeeshee, haddii Abiy Ahmed noqdo mid Nimankaa fikirkooda kaliya Dabada ka Riixaya Waxaa u Wanaagsan Qolladan Somaliland taladeeda haysa in ay Ninkaa u Cadeeyaan in Somaliland Shacabkeedu ahmiyad Culus u Hayaan Ninka Taageerada baddan ka haysta Qowmiyadda Oromadda ee ugu Tiradda badan Dalweynaha Itoobiya, Jawhar Maxamed Ninkaasaa u Muuqda in uu Xaqiiqda uga dhawyahey, ee Martiqqaadna ha u Fidiyeen Somaliland, Wabilaahi Tawfiiq Qoraa Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley Tell:0634466339 Related posts:XOGGO IFTIIMINAYA IN RAYSAL-WASAARE KU XIGEENKA SOOMAALIYA YAHAY MASKAXDA IYO DHAQAALAHA KA DANBEEYA... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada... DAAWO;Xildhibaan Ibraahim Axmed Oo Ka Hadlay Raashin Lagaadh Siiyay Dadka Abaaruhu Sameeyeen Ee G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|